‘Waxaan Leeyahay Kuwii Xaasidka Ahaa ee Habaartamayoow, waa kan Madaxweynihii..’

0
284

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtay booqasho nasasho ahayd oo uu muddo ugu maqnaa dalka Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa markii uu madaarka Hargeysa ka soo degay soo kormeeray  jidka isku xidha Madaarka iyo badhtamaha magaalada oo dib u dhis lagu sameeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, xubno  ka mid ah golaha wasiirrada, badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Maayarka Caasimada, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle,madax-dhaqameed  iyo dadweyne tiro badan ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay dalkiisa, waxaanu maayarku warbixin ka siiyay Jidka la casriyay iyadoo Madaxweynuhuna lugeeyay jidkaasi.

Wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka jawaabay hadallo xisbiga Waddani ku sheegay in madaxweynuhu qalliin ku galayay dalka Ingiriiska waxaanu yidhi “Illaahay baa mahadleh, mudane Madaxweyne waanu ku soo dhaweynaynaa, waxaan u mahadnaqaya maayarka iyo dawladda dhismaha ay dhiseen waddada isku xidha Madaarka iyo magaalada oo ah waddo qiimo inoogu fadhida. waa waddadii bari hore aad balanqaaday in aynu dhisayno waanad ku guulaysatay. Waxa kale oo aan la hadlayaa cadowga iyo kuwii xaasidka ahaa ee wiiggan oo dhan habaartamayay, waa kaa Madaxweynuhu laamida badhtankeeda jooga xaasidow ku dhimo, xaneey ku hadh waa kaa da’da yar leh.”

Madaxweynaha ayaa isna u mahadceliyay dadweynaha iyo madaxda xukumaddiisa ee soo dhaweeyay; “Aad baan ugu faraxsanahay in aan dalkii hooyo ku soo laabto, horumarka iyo dhaqdhaqaaqa aynu samaynayna aad iyo aad bay u tahay wax aynu ku faanno kulligeen, waanan ku mahadinayaa cid kasta oo ka hawl gashay, aad baanan idiinku mahadnaqaya sida aad ii soo dhaweyseen,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Afhayeenka madaxtooyadda Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu dalka ku soo laabtay ka dib markii uu booqashadiisii gaarka ahayd ee uu ku tegay Ingiriiska soo dhammaystay, waxaanu yidhi; “Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, maanta (shalay) ayuu si nabadgelyo ah dalka dib ugu soo laabtay. Booqashadiisuna waxay ahayd mid fasax ah. Manay jirin cid uu ka arkay dawladda Ingiriiska ee waxay ahayd fasaxyada madaxweyneyaasha adduunku ay u baxaan mid la mid ah uun.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply