Duufaan Haleeshay Jasiirada ugu Weyn Badweynta Hindiya

0
266

Duufaano xoogan oo watay dabeylo xawaare dheer ku socda iyo roobab ayaa   haleelay maalmihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah Jasiirada ugu weyn badweynta Indiya ee Madagaskar.

Caasimadda dalkaas ee Antananarivo waxaa duufaantu saameysey dad ka badan 32,000 oo qof, waxaana duufaantan ay dumisay kumanaan guri, iyadoo saameynta ugu xoogan ku yeelatay dhinaca Waqooyi Bari ee Madagaskar

Ugu yaraan 38 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey dhimashadooda halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 180 qof kuwaasoo la dhigay isbitaalada.

Qiyaastii dad gaadhaya 53,000 ayaa ku khasbanaadey inay isaga baxaan guryahoodii, sida ay sheegtey hay’adda maareynta musiibooyinka ee dalkaas.

 

 

Leave a Reply