Dalka Natherland magaalada Amsterdam waxa ka jirta caado ah in haddii uu ku dhinto magaalada qof aan lahayn qoys iyo asxaab aaskiisa ay diyaariyaan maamulka magaaladu iyadoo u samaynaysa xaflada xusuus ah.
Wakhtigaasi ayaa loo yeedhaa nin gabayaa ah oo ka tiraya gabay baroor diiq ah xabaashiisa. Waxaanay sheegeen inay ula jeedaan inuu dareemo inuu lahaa asxaab qarsoon oo aan illoobi doonin. Gabayaaga oo buug ku soo qora ammaantiisa ayaa xabaasha dusheeda ka akhriyaa gabaygaasi iyagoo dadka kalena si qiiro leh u dhegaysta.