Cali Barre oo ka Jawaabay Hadal ka Soo Yeedhay Xildhibaan Dhakool

0
276

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali Barre) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo duray wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami.

Cali Barre oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in aanay ahayn wax la qaadan karo in xildhibaan Dhakool aflagaado qaawan u gaysto wasiirka gaashaandhiga,waxaana uu tilmaamay in dhismihii qaranka ka soo ka qayb qaatay wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami.

Xildhibaan Cali oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo hadallo ka soo yeedhay Xildhibaan ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Kalabaydh oo ciidanka qaranka iyo dadkii haalkaa deganaa isku dhaceen, dadna ku dhinteen oo dadna ku dhaawacmeen oo ahayd arin fool xun,waana khasaare umadda soo gaadhay, aad baanan uga xumahay wixii khasaare ka dhacay halkaas. dawlad baynu nahay, meel baa la saari doonaa, ciddii masuuliyadda lahayd ayaana gacanta ku haysa.”

Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Xildhibaan Dhakool, wax buu ku ladhay arrintaas oo uu cid ku maagayay waxaanu aflagaado qaawan u gaystay Wasiirka gaashaandhiga, wuxuuna yidhi maaha nin wax ogba, waana nin la yaqaano Axmed Xaaji Cali Cadami, waa nin odaya oo ka soo qayb qaatay dhismihii qaranka iyo nabadayntii dalka.”

Mudane Cali Barre waxa kale oo uu intaasi ku daray “Aflagaadadaa qaawan ee uu ku kacay xildhibaan Dhakool, waa arin aan aad ula yaabay, waxaana aan leeyahay xildhibaan Dhakool meel buu kaga dhacay wasiirka, waxaana uu kala qaaday wasaarada gaashaandhiga iyo ciidankii qaranka, waxaanu amaanay ciidanka qaranka wasaarada gaashaandhigana wuu ee deeyay, waxaana aan leeyahay wax ba ha kala qaadin waana isku mid, waxaanan u soo jeedinayaa xildhibaan Dhakool in uu ka waantoobo hadaladaas aflagaadada ah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply