Saxaabiga Abuu Hurayra (RC.) wuxuu yidhi: Nebigu (scw) wuxuu yidhi:” Waxaan arkay nin jannada ku daanshoonaya, iyadoo uu ku kasbaday isagoo geed ka gooyey wadada, kaasi oo dhibayay muslimiinta”.(Muslim)
Werin kale oo xadiiska ahi waxay ahayd: ” Nin baa arkay laan (geed) oo ku soo baxday Waddo. Ka dibna Wuxuu yidhi: “ wallee tan waan goynayaa si aanay mislimiinta u dhibin. Markaasaa Jannada la galiyey camalkaa wanaagsan awgiis. “ Werin kalena waxay iyana ahayd: ‘ Nin jid maraaya ayaa arkay laan qodox leh oo Jidka ku soo baxday markaasuu ka banneeyey. Ka dibna Allah ku mahadiyay camalkiisa, Allah (sw) u denbi dhaafay”. (Bukhaari iyo Muslim).
Wixii Ummadda Muslimiinta ah dhib ku ah ee aad ka joojiso ama ka leexo abaal weyn ayaad kaga helaysaa xagga Allah (sw), ku dadaal camalka wanaagsan.