Dhul Daaqsimeedku waa Hanti Qaran oo Lama Taabtaan Ah

0
319

Dhul-daaqsimeedku wuxuu ka mid yahay hantida qaran ee dalku leeyahay isla markaana aanay cid gaar ahi lahayn.

Laakiin waxaa muddooyinkii dambe soo baxayay dad si sharci darro ah u oodanayay dhulka dhul daaqsimeedka ah meelo  ka mid ah isla markaana ku sheegayay in ay yihiin beero iyo seerayaal ay leeyihiiin laakiin xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa in la helo dhul daaqsimeed qaran oo dalku leeyahay ayay awoodda saartay in la baabiiyo dhammaan dadka sida sharcidarada ah u ootay dhul daaqsimeedka taasoo ay xukuumadda garab ku siiyeen inta badan dadka ku dhaqan deegaamadda laga baabiiyay seerayaasha sharci darrada ah.

Haddaba waxaa wax lala yaabo noqotay in dhulka dhul daaqsimeedka ah ee qaranku leeyahay ee ummadda Somaliland oo dhan  ka wada dhexeeya in la kala sheegto oo la isku dilo ama la isku maandhaafo oo qolo qolo la isugu sheegto iyadoo dadka reer Somaliland oo dhammi ay yihiin qoys keliya oo qaran qudha wadaaga waxaa innaga reebban in aynu kala sheegano dhul daaqsimeedka  oo duunyada loo diido.

Waxaynu wada ogsoonahay in maanta dhammaan gobolada Somaliland oo dhan in ay ka jirto abaar baahsan oo dad iyo duunyoba taabatay waxaa kale oo aynu wada ognahay in gobolada Somaliland isu hayaameen oo dadkii abaartu ku habsatay ee  ka soo hayaamay gobolada bari ee dalku in ay xoolohoodii ku dhaqan yihiin oo ay maanta dhex joogaan deegaanada  gobolada galbeedka Somaliland oo looo furay beerihii waxsoosaarka ahaa ee  dalagyadu ay ka bixi jireen oo aan imika wax ka baxay jirin.

Waxaanay taasi muujinaysaa in dadka reer Somaliland in ay yihiin qoys keliya oo qaran qudha wadaaga waxaana habboon in dadka deegaanada dhul daaqsimeedka ah kala sheeganayaa in ay ogsoonaadaan in dhulka dhul daaqsimeedka ah in qaranka Somaliland uu leeyahay oo ummadda uu ka dhexeeyo isla markaana aan lakala sheegan karin.

Somaliland waxay u baahan tahay in la wada ilaashado dhul daaqsimeedka oo dhul daaqsimeedku uu  noqdo  mid qaran oo qofsataaba dhankiisa ka ilaaliyo taasoo wax wayn ka  tari doonta in xooluu ay helaan  dhul ay u foofaan  taasina waxay innaga badbaadinaysaa in ay xooluhu dabar go’aan amma ay waayaan dhul ay daaqaan taasoo ah halista ugu way nee xilligan jirta amma xooleheena haysata.

Abaarta  baahsan ee dalka ku habsatay waxay inna bartay in Somaliland   ay tahay qoys keliya oo qaran keliyana wada leh waxaanay walaalaysay dhammaan dadka gobolada Somaliland dega oo dhan taasoo markii dadka goboladu ay isu soo hayaameen si niyad sami ah loo qaabilay dhammaan xoolihii ka soo hayaamay gobolada bari ee dalka oo ku sugan imika gobolada galbeedka dalka.

 

Leave a Reply