Xiisada Turkiga iyo Holand oo sii Cakirantay

0
271

Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Binali Yildiri ayaa sheegay Axaddan in uu siyaabaha ugu adag uu uga aargudan doono ugana jawaabi doono  waxa  uu ku tilmaamay dhaqan aan la aqbali karin ka dib markii Netherlands ay diidday in ay u oggolaato in wasiir ka tirsan Turkiga uu galo dalka mid kalena ay eriday

Taasi waxaa dheer, in masuuliyiinta Turkiga ay xoog ku xireen safaaradda dalka Netherlands ee ku taala magaalada Ankara iyagoo sheegay in safiirka aan dalka laga soo dhoweyneyn.

Goor hore oo Axaddan ahna, booliska Dutch-ka ayay isku dheceen boqolaal Turkiyiin ah oo taageerayaal u ah dowladda oo ku sugan magaalada Rotterdam kuwaasoo ka mudaaharaadayay talaabooyinka lagula kacay wasiirrada u dhashay Turkiga.

Ka hor itii aysan qarxin isku dhacyada, ayaa qiyaastii 2,000 oo dad mudaaharaad dhigayo ah ay isugu soo urureen duleedka qunsuliyadda Turkiga ee ku taala magaalada Rotterdam, oo ah magaalada labaad ee ugu wayn ee dalka, si ay u muujiyaan taageeradooda ku aaddan dowladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee magaalada Ankara, taasoo isku deyeysa in bisha soo socata ay qabato afti lagu baahinayo awoodihiisa.

Leave a Reply