Qisada: Caaddooyinka Cajiibka Ee Qaaradda Afrika

0
319

Sanad kasta hal mar ayay bulshada Bombo ee dalka Maali oo ku yaalla Galbeedka Africa  isugu yimaadaan harada biyoodda Bamba iyagoo ka kala yimaada qaybaha kala duwan ee dalka. Hara biyoodan ayay aaminsan yihiin inay tahay mid barakaysan. Dadka kaluumaysatada ee yimaada waxay soo qaataan shebegyadooda.

Dadkan aya ku soo urura hareeraha Harada, caruurta, dhalinyarada iyo raga weyniba iyagoo sita shebegooda oo loo sameeyay qaabka koorta iyo qalab kale ee ay kaluunka ku ugaadhsadaan ayay ka soo xaadiraan.

Caado diimeedkan looma ogola inay ka soo qayb galaan dumarku iyagoo aaminsan inay yihiin kuwo kharibaya oo aan nadiif ahayn. Dumarkaasi aan ka soo qayb gelin ayaa iyagana waajib ku tahay inay timaha tidcaan isla markaana tumaan Arbakhi xafladda ciidda ah awgeed. Iyadoo sidaasi loo joogo ayay 400 oo nin oo laabtu qaawan tahay hal mar isku tuurayaan Harada, taasi oo loola jeedo inay bilaabaantay dabaal dego ka dibna dhamaandadku wada gelayaan.

Marka 15 daqiiqo ka dib ayaa rasaas la ridayaa iyadoo loo sheegayo inay xafladaasi dhamaatay, laakiin Kaluunka intii ay ku jireen uu qof kastaa soo qabsaday ayaa la isugu geeyaa shandad weyn oo harag ka samaysan , waxaana loo dhiibaa odayga ugu da’da weyn bulshada Bombo, kaasi oo si cadaalad ah ugu qaybiya dhamaan tuulooyinka bulshadan. Waxayna u aaminsan yihiin maalin barakaysan. ( Source : amusingplanet.com).

 

Leave a Reply