Shirkadaha Diyaaradaha & dhawr Wasaaradood oo Qaadhaan ugu Yaboohay Dib-u-dhiska Jid Hawlbowle ah

0
293

Hargaysa(Dawan)- Wasaaradda Duulista Hawadda  Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadaha diyaaradaha ee isticmaala Madaarka caalamiga ah ee Cigaal,ayaa iska kaashaday  oo isla qaatay in ay lacag dhan Konton kun oo Dollar in ay kaga qayb qaataan dhismaha waddada isku xidha madaarka caalamiga ah ee Cigaal  iyo magaalada Hargeysa oo   dib u dhiskeedu socdo.

Kulan uu Wasiirka Duulista Somaliland uu la yeeshay madaxda shirkadaha diyaaradaha oo ku qabsoomay xarunta wasaaradda duulista hawada ayaa la iskula qaatay in ay wasaaradda  duulista hawada iyo shiraduhu in ay konton kun oo Doollar in ay qaybsadaan oo ay kaga qayb qaataan dib u dhiska waddada isku xidha madaarka iyo magaalada ka dib markii uu codsi uga yimi guddiga bilicda caasimadda oo ka dalbaday in ay ka qayb qaataan dib u dhiska jidkaas.

Kulanka wasaaradda iyo shirkadaha dhex maray ka dib war-saxaafadeed ay ka soo saartay wasaaradda Duulista oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka wasaaradda duulista Ismaaciil Cali Axmed,ayaa u dhignaa sidan:-

 

“Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe isaga oo ka duulaya codsi uga yimi Gudiga Bilicda Caasimada iyo Dawlada Hoose ee Hargaysa oo ah ka qayab qaadashada dhismaha Waddada isku xidha Madaarka Cigaal International Airport iyo magaalada , ayaa waxa uu kulan isugu yeedhay Masuuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha ee isticimaala Madaarka.

 

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Wasiirka ayaa waxaa lagu falanqeeyay suurto galnimada sida ugu habboon ee ay labada dhinac uga qayab qaadan lahaayen dhismaha Waddadaasi oo ah Muraayadda Caasimada inbadanna ay ka war sugayeen dadweynaha ka dhoofa Madaarkaasi iyo kuwa ka soodegaaba.

 

 

 

Ugu dambayn  waxa la isla qaatay in Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Shirikadaha Diyaaraduhu qaybsadaan Lacag dhan Konton Kun oo Doolar ($50,000)  oo ay kaga qayb qaataan dhismaha Wadadaasi, si Dawlada Hoose ee Hargaysa halkaa uga sii wada dhamaystirka Waddada.

Kulanka wasiirka iyo shirkadaha dhex maray ayay wasiirka ku wehelinayeen Wasiir Kuxigeenka Wasaaradaasi Guuleed Maxamed Shire Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cumar Cabdilaahi Aadan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply