Wax Ka Baro Xanuunka Xasaasiyadda

0
1723

Xasaasiyadda waa jawaab aan caadi ahayn oo uu dhiibo difaaca jidhka, dadka qaba xasaasiyad difaaca jidhkooda wuxuu inta badan fal celin ku sameeyaa walxa aan dhib lahayn oo laga helo jawiga ama deegaanka, walxahaan aan dhibta lahayn waxaa kamid ah manka, caaryada, iyo dufta xayawaanada, waxaana loo yaqaanaa Allergen  . Xasaasiyada waa dhibaato caan ah oo saameysa dad badan.

Maxaa dhaca xilliga uu jiro falgal xasasaasiyadeed

Marka ugu horeysa qofka wuxuu neef ahaan uqaataa ama uu liqaa ama maqaarka qofka waxaa taabta xasaasiyad kiciya yaal, kadib waxaa kadhaca gudaha difaaca jidhka dhacdooyin taxana ah kuwaasoo sababa falgal xasaasiyadeed

Jidhka wuxu bilaabaa inuu soo deeyo borotiin khaas ah IgE oo kudhega  walxaha xasaasiyad-kiciyayaasha ah.

Borotiinka IgE wuxuu ku dhagaa unugyada dhiiga unug ka mid ah oo loo yaqaano Mast Unugyada Mast ayaa waxaa laga helaa Hawa Mareenka iyo Dheef Shiidka

Borotiinka IgE ayaa kula dhejiya xasaasiyad kiciyayaasha unugyada Mast, taasoo sababeysa in unugyada Mast ay dhiiga kusii daayaan kiimikooyin kala duwan, sida kiimikada Histamiin oo ah mida ugu weyn waana mida sababta calaamada ugu badan ee ka dhasha falgalka xasaasiyada.

Waa maxay astaamaha

Cuncun/ indhaha oo ilmeeyo

Hindhiso

Sanka oo dareera

Dareen daal badan ama xanuun

Finan
Darnaanta falgal xasaasiyada ayaa aad u kala duwan, waxaana jira

Calaamada khafiif ah oo aadan inta badan dareemeyn

Calaamada dhexdhexaad ah oo aad dareemi kartids sida hargabka oo kale

Calaamada daran oo aad raaxada kaaga qaadi kara

Calaamadaha falgalka xasaasiyada ay istaaga wax yar kadib marka ay meesha ka baxaan xasaasiyad kiciyayaasha

Falgalka xasaasiyadda ugu daran waxaa loo yaqaanaa Anaphylaxis/tooltip] waxaana jidhka oo dhan ka dhaca fal celin weyn oo ku Aadan xasaasiyad kiciya yaasha. Anafilaksis waa xaalad caafimaad oo halis ah una bahaan daryeel caafimaad oo deg deg ah sababtoo ah calaamadaha anafilaksis si deg deg ah ay u sababi karaan dhimasho.

Qof kasta xasaasiyad maku dhacdaa?

Maya. Laakin dadka waxay unugul yihiin iney ka dhaxlaan waalidkooda si hiddo ahaan ah,
Hadii hal waalid uu qabo xasaasiyad, ilmuhu wuxuu halis ugu jiraa 50%, hadii ay qabaan labada waalid wuxuu halis ugu jiraa 75% inuu xasaasiyad ay ku dhacdo ilmaha.

 

Leave a Reply