Dawladaha, bulshooyinka iyo qowamiyadaha kala duwan ee dunida ku nool aya leh dhaqamo kala nooc ah oo la xidhiidh dhinacyada noloshooda , kuwaasi oo qaarkood yaab yihiin.
Tusaale ahaan, Dalka Jarmalka ayaa caado u leh in marka ay lamaanuhu is guursadan ay soo iibiyaan bilaydho badan oo dhoobo ah, ka dibna ay arooska iyo aroosadu ku jebiyaan guriga dhexdiisa. Caadadan ayay aminsan yihiin inay guriga kaga eryayaan rooxaanta sharka badan ee degan gurayaha.
Dalka Shiinaha gobol ka mid ah Gabadha aroosadda ah ee la guursaday aya caado u leh in bil ka hor wakhiga aqal galkeeda ay maalin kasta saacad buuxda baroor iyo oohin ku samayso gurigooda dhexdiisa. Marka ay toban maalmood baroortaasi wado, waxa la wadaagaysa oohinta hooyada dhashay. Intaasi wixii ka danbeeyana waxa ku soo biiraysa Ayadeed.
Ugu danbaysata maalmaha ay bishu oohintu dhamaanayso ayay qoyska dumarkooda oo dhami wada barooranayaan. Waana caadooyinka ugu yaabka badan ee aan la fahmin, maxa yeelay waxa gabadh usoo kordhay farxad waxayna kaga jawaabayaan oohin, muujinaysa murugo.