Khubarada nafaqaynta ee jaamacadda Harvard ayaa dhowaan soo bandhigay cuntooyin ay sheegeen inay qofka u fiican yihiin inuu galabtii cuno, gaar ahaana wixii ka dambeeya makhribka, kuwaas oo ay sheegeen inay u fiican yihiin dhinaca Neerfaha ,jidhka iyo hurdadaba.
Kooxo cilmibaadheyaal ah oo dhowaan sameeyey daraasad kana tirsan jaamacaddaasi ayaa ugu dambayn soo saaray cuntooyin kala duwan oo ay sheegeen inay dadka caafimaadkooda u fiican yihiin wixii ka dambeeya 6 galabnimo.
Waxaanay kula taliyeen in aanay cunin xiligaasi wixii ka dambeeya cuntooyinka laga helo Proteins ka , Vitamins ka qaar kamid ah iyo cuntooyinka nafaqada leh oo ay sheegeen inay saameeyaan maskaxda iyo Neerfahaba.
Cuntooyinkan oo ay ku daabaceen wargeyska Telegraph oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan ayaa kala ahaa Digaaga,Lawska, Shukulaatada Madow, Caanaha,Malabka, Shaaha marku sinjibiisha lee yahay.
Waxaanay dhakhaatiir kamid ah khubaradaasi sheegeen in cuntooyinkaasi ay ka kooban yihin waxyaalo aanay ku jirin Suni,kuwaas oo u ogolaanaaya jidhka inuu hab dhiska dhiigu noqdo mid caadi ah.
Waxaanay ugu dambayn soo jeediyeen in loo baahan yahay in xadi go’an laga cuno cuntadaasi marka gelinka dambe la cunaayo.