Guryo Qurux Badan Ayay ka Dhistaan Saalada Xoolahooda

0
325

Buuraha dhaadheer ee dalka Asarbajaan waxa ku taalla tuulo ay dadka halkaasi degani dhib ku noqotay inay helaan qalabka dhismaha  sida sibidhka. Dadkan ayaa wakhtigaasi door biday inay gurayahooda ka dhisaan saaladda lo’ada ay dhaqdaan.  Arinkan aya ah waxa keliya ee ay samayan karaan si ay u helaan guryo ay u hoydaan.

Dhamaan guryaha magaaladan ayaa qaabkaasi u dhisan, waxaana jooga farsamo yaqaan aad ugu xeel dheer sida guryo qurux badan looga dhiso saalada lo’ada ay dhaqdaan. Waxa kale oo ay sameeyaan inay kaydsadaan saaladaasi si ay mustaqbalka ugu isticmaalaan dhismayaal kale. Waxaana ay bulshadani muujisay sida ay xooluhu dhinac kasta faa’iido uga leeyihiin.

 

Leave a Reply