Daraasad cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaadey in hurdada hore qorku u seexdo habeenkii ay keento inuu qofkaasi noqdo mid oomateedka cuntadu u furan yahay, sidoo kalena uu jidh ahaan noqdo mid nasta.
Waxa kale oo ay khubaradani sheegeen inay ogaadeen in qofka habeenkii xiliga dambe seexdaa uu noqdo qof subaxdii jecel inuu cuno ama cabo waxyaalo sonkortu ku badan tahay, madaama oo aanu helin hurdo dheeli tiran , waxa ay sheegeen in jidhkiisu noqdo mid marwalba u baahan macaan.
Sidoo kale waxa ay khubaradani intaas ku dareeni n uu caafimaad daro badan la kulmi karo qofka seexda habeenkii xiliyada dambe uu halis u yahay caafimaad daro badan oo soo food saarta.
Cuntooyinka uu xiliyada dambe qofku cuno laftooda ayay sheegeen inay noqdaan kuwo keeni kara inuu qofkaasi noqdo qof buuran, taas oo iyada lafteedu keeni karta inuu si fudud u haleelo qofkaasi xanuunka Cancer-ka loo yaqaanaa.
Daraasadan oo uu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan waxa kale oo lagu sheegay in qofka habeenkii xiliyadda dambe seexdaa uu halis u yahay inuu ku dhaco Macaanka noociisa labaad .
Waxaanay daraasadoodan kusoo koobeen khubaradani in ay caafimaad daro keenaan hurdada xiliga dambe habeenkii la seexdo iyo cuntada xiligaasi la cuno ee lagu seexdo.