Iran: Waxa Yaab Kugu Noqonaya Balastarka Sanka ku Xidhan

0
362

Haddii aad dalka Iran booqasho ku tagto waxa kugu dhacaya yaab markaad aragto dad aad u fara badan oo dhamaantood sankood balastar ku xidhan yahay kuwaasi oo aad ku wareerayso sababta dhaawacan isku mid ah u geystay.

Laakiin dalkan ku yaalla bariga dhexe ayay dadkiisu aaminsan yihiin in Sanka toosani uu  quruxda u yahay muhiim, sidaas darteedana qofka kastaa oo aanu toosnayn sankiisu wuxu rabaa inuu ku sameeyo qaliin si uu u noqdo mid isku siman oo toosan. Waxaaana la sheegay in qiimaha qaliinkaasi uu yahay mid aad qaali ah, Madaama dadka dalkaasi ay yihiin kuwo tiro ahaan badan, dhaqaale ahaan dakhligoodu sareeyo wakhtiga kasta waxay Isbitaaladu mashquul ku yihiin qaliinka isku simidada sanka.

Leave a Reply