Saynisyahano reer Sweden ah ayaa daraasad ay dhowaan ka sameeyeen lamaaneyaasha iyo siday u kala cimri dheer yihiin soo saaray natiijo hor dhac ah oo ay kaga hadlayaan waxyaalihii ay ku ogaadeen daraasadan intii ay ku jireen.
Khubaradan ayaa sheegay inay ogaadeen intii ay daraasadan ku jireen in ay aad u kala duwan yihiin qoysaska is qabaa ama dadka lamaanaha ahi , gaar ahaana marka ay caruurta lee yihiin iyo marka aanay lahayn, iyaga oo intaas ku daray inay lamaanaha caruurta lihi ka cimri dheer yihiin kuwa aan caruurta lahayn.
Saynisyahanadan oo u waramaayey wakaalada Wararka ee AFP oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay ayaa sheegay in ay daraasadan intii ay ku jireen baadheen ilaa 704,000 oo warbixino caafimaad ah , kuwaas oo rag ahaa iyo sidoo kalena 725,000 oo warbixino caafimaad oo dumar ah, kuwaas oo gebi ahaantoodba ka koobnaa qoysas guryo leh.
Waxaanay intaas ku dareen in ay daraasadoodan ku ogaadeen in qoysaska caruurta lihi ka cimri dheer yihiin kuwa aan lahayn , iyaga oo sababta inta badan ku sheegay in ay yihiin dad faraxsan , kana bad baada xanuuno badan oo keena cimri deg dega, gaar ahaana isku buuqa oo ah ka koowaad.