Sharciga iyo qawaaniinta adag ee an maangalka ahayn ayaa dhibaato weyn u horseeda guud ahaan Aadamiga , gaar ahaana xubnaha uu iyaga caqligooda ka soo maaxday ee weliba gacamahoodana ku diiwaangeliyay.
Dhibaatooyinka ay sababeen ayay ka mid tahay dhimashadii boqoradii dalka Thailand ee lagu magacaabi jiray Sanda Komarietan oo ku hor dhimatay ilaaladeeda iyo adeegayaasheeda hortooda iyagoo arkaaya, oo weliba awood karaayay inay badbaadiyaan.
Boqorada ayaa ku hafatay berkad biyood ay ku dabaalanaysay, taasi oo ay awoodi inay si caadi u dabaalato ka dib biyaha oo ka xoog batay. Waxay u muujisay inay baahi u qabto in la badbaadiyo, laakiin taasi ma dhicin.
Ilaalada iyo adeegayaashaba waxa ka muuqatay murugo markii ay daawanayeen hafashadii boqoradooda, laakiin maxay samayn karaan?
Mat ahayn arrin suurtagal in ilaalada iyo adeegayaasha ay gargaar u fidiyaan boqoradda , waayo waxa jira sharci ah haddii boqorada ay taabtaan inay taasi dil tahay, oo wax yar ka dib ay dunida maca salaamaynayaan sida horeba u dhacday. Sharcigaasi sida caqli xun loo dejiyay aya keenay in boqoradaasi la badbaadin waayo oo ay halkaasi nafatadu kaga baxdo.