Sameecadaha Dhagaha oo ku Qarxay Haweenay Diyaarad Saarayd

0
299

Maamulka Australiya ayaa ka digay halista ka dhalan karta in gudaha diyaaradaha lagu isticmaalo qalabka baytariyada ku shaqeeya, ka dib markii uu dab qabsaday haweenay xidhneyd sameecadaha dhagaha la gashado.

Haweenayda oo laamadooday  oo saaran diyaarad ka soo duushay magaalada Beijing kuna sii jeeda Melbourne ayaa ku toostay dhawaaqa qarax.

Markii ay iska tuurtay sameecadii dhagaha ugu jirtay ee ay wax ku dhagaysanaysayna waxay aragtay iyagoo uu dab qabsaday oo bilaabay in ay dhalaalaan.

Qaraxa iyo dabka ayaa wajigeeda badalay oo madoobeeyay.

Haweenaydan rakaabka ah oo aan magaceeda la shaacinin ayaa waaxda badqabka gaadiidka ee Australiya u sheegtay in ay muusik dhagaysanaysay markii uu qaraxu dhacay.

SAFETY BUREAU

Shaqaalaha diyaaradda ayaa markiiba caawiyay oo damiyay dabkii ka dhacay sameecadaha dhagaha la gashado.

Wali lama sheegin shirkadda samaysay qalabkaas, laakiin waxaa la sheegay in la rumaysan yahay in ay u badan tahay in ay ciladdu ka dhalatay baytariyada lithium-ion.

Dhawr dhacdo oo arrintaas la xidhiidha markii ay diyaarado ka dhaceena waaxaha duulimaadyada hawada ee dalalka caalamka ayaa mamnuucay in diyaaradaha lala raaco taleefanka Note 7, Samsung ayaa dalbatay in dadka gatay Note 7 ay soo celiyaan, waxayna joojisay soo saaristii taleefanka.

 

Sanadihii u dambeeyay tiro duulimaadyo ah ayaa dhibaato kala kulmay baytariyo noocoodu yihiin lithium.

Sanadkii hore diyaarad ka duuli lahayd Sydney ayaa la istaajiyay ka dib markii qiiq laga arkay qaybta boorsooyinka ee diyaaradda, ka dibna waxaa la ogaaday in baytariyo lithium ka samaysan uu dab ka kacay oo uu gaadhay boorsooyinka.

Sidoo kale sanadkii tagay baytariyo ay samaysay shirkadda Samsung oo la galiyay taleefoonka Note 7 ayaa sababay in uu aad u kululaado taleefanku iyadoo kuwo badanna uu dab qabsaday oo ay dhalaaleen.

 

Leave a Reply