Shirkaddaha Google Iyo Levi’s oo Soo Saaray Jaakeed Qofka u Sheegaysa Waqtiga

0
303

Shirkaddaha Google iyo Levi’s ayaa si wada jir ah usoo saaray jaakeed la shaqaynaysa qofka Telefoonkiisa,  iyada oo lagaga xidhiidhinaayo dhinaca  Bluetooth-ka, waxaanay  si sahlan ugu sheegaysa jaakeedkaasi waxyaalo saacaddu kamid tahay.

Waxaana  qofku gacanta qaybta saacadda lagu xidho ku taabanayaa labadiisa farood oo uu dhinac ahaan u marinaayo, iyada oo uu markiiba u sheegaayo saacadda ama waqtiga inta uu yahay.

Waxa kale oo isla labadaasi farood loo marinayaa dhinaca kale , iyada oo uu jaakeedkaasi ku sheegaayo halka aad waqtigaasi joogto ama halka uu qofku waqtigaasi joogo .

Sidoo kale haddii aad isla labadaasi farood ku garaacdo jaakeedka waxa uu ku maqashiinayaa fariimaha ku jira mobile kaaga aad sidato, iyada oo hadda la filaayo inay soo wada galaan suuqyada.

Waxaana sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay wargeyska Washington Post oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan soo galay suuqyada qaybo tijaabo ahaan ah, waxaanay qiimo ahaan noqonayaan jaakeedkani ilaa $ 350 dollar.

Masuul u hadlay shirkadda Google ayaa sheegay inay doonayaan inay raali geliyaan macaamiishooda, iyaga oo usoo saaraaya hadba wixii raaligelinaaya, iyaga oo marwalba eegaaya xaalada ay ku sugan yihiin.

Koodhadhkan ayaa shirkaddahani sheegeen inay ugu dambayn suuqyada soo geli doonaan sanandkan gudihiisa, kadib markay ka baxaan tijaabada ay ku jiraan.

Leave a Reply