Beeralayda Hindida ah ee ka tirsan bulashada Hunduuska ayaa rumaysan caado naxdin iyo cabsi leh. Caadadan ayaa ah inay dhulka jiifsadaan isla markaana ay Lo’du dushooda xawaare xoog ah ku dul marto, taasi oo ay aaminsan yihiin inay usoo jiidayso nasiib wanaagsan oo dhinaca nolosha ah sanadkaasi.
Wargeyska Daily mail ee Ingiriiska ayaa daabacay in munaasabadan oo lagu magacaabo Akadesse ay beeralaydu ku qabtaan magaalada Badnjar ee gobolka Madhya Pradesh oo ku yaalla badhtamaha Hindiya sanad kasta.
Xafladdan marka la qabanayo waxa ka soo qayb gala waalidiinta dhashay dadkaasi jiifa ee lo’du dushooda ku ordayso, si uu nasiib fiican oo nolol wanaagsan ah u helo. Kooxaha beeralayda ee lagu fulinayo caadadan ayaa jiifsanaya dariiqyada tuulada badhatamaheeda ah.
Intaasi ka dibna waalidka ayaa bixiya kharashka dadkan loogu shaqaynayo, ka dibna Lo’da ayaa lagu sii daaya iyagoo la erayayo si ay ugu dul socdaan iyagoo ordaya dadka jiifa. Marka caqligu shaqayn waayo, diina uu ka madhan yahay waxa hantida iyo kharash badan lagu bixiya waxaan dhib mooyee dheef aan u lahayn qofka, kaasi oo uu weliba aaminayo inuu u leeyahay faa’iido.