Maayar Ku-xigeenka Hargeysa oo Sheegay Inay la Mataanoobayaan Magaalooyinka Ingiriiska

0
248

Bristol(Dawan)- Maayar Ku-xigeenka Caasimada Hargeysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne),  ayaa ka warbixiyey safar shaqo uu uu ku joogo dalka Ingiriiska, isagoo kullamo la yeeshay  masuuliyiinta Magaalooyinka Bristol, Shiffeild  iyo saraakiisha sarsare ee dabdamiska Bristol iyo nawaaxigeeda, kuwaasi oo uu kala hadlay sidii ay iskaashi ballaadhan u yeelan lahaayeen caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 
“Waxaanu ka soo baxnay shir muhiim ah oo aanu wada yeelanay Lord Jeff Lovell iyo Maayarka  Bristol, Marvin Rees, waxaannu ka wadahadalnay arrimo muhiim ah oo ay ugu horayso sidii aanu isaga kaashan lahayn una mataanayn lahayn magaalooyinka Hargeysa iyo Bristol oo aan hubo in aanu ka faa’iidaysan doono dhawaan,”ayuu yidhi Maayar Kuxigeenka oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta.

 

Mr. Cagaweyne, oo la weydiiyay ujeeddada booqashadiisa Ingiriiska, waxa uu yidhi, “Waxaan halkan u joogaa waa shaqo, waxaanan xooga saarayaa in aan xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee aanu hore u dhisnay oo aan anigaygani hore u xidhiidhiyey ilaa haddana aan furmin marba marka sii danbaysana sii xoogaysanaya, waxaanan hadda aan  la kulmay saddexdii lord Maayar ee soo maray Sheffield, intii aan ku sugnaa Sheffield ama aan imid dalka UK oo mid ka mid ahi uu Somaliland icitiraafay isagoo hoggaaminaya golihiisii deegaanka ee wakhtigaasi. Waxaanan maayarkaas  ku casuunay Somaliland gaar ahaan caasimada Hargaysa isha Allaahu iyadoo xidhiidhka Sheffield  iyo Hargaysa noqday mid sii siyaadaya ka dib siday Somaliland u ictirafeenba.”

 

“Sidoo kale, waxa la igu casuumay oo aan booqasho ku tegay xarunta dab-damiska   magaalada Bristol iyo agagaarkeeda oo uu xukumo Jeff (Kevin Pearson) oo aanu kala hadalnay  in ay xidhiidh dhow la sameyaan Somaliland lana mataanobaan dabdamiska Caasimada Hargaysa, saraakiisha dab damiska Bristol-na ay yimadaan Hargeysa, si ay wax uga korodhiyaan una helaan khibrad dheeraad ah iyagoo jooga dalkooda, qalab badanba way guddoonsiin doonaan markay dalkii tagaan saraakil uu wato taliyaha dab damiska Bristol gashanle sare Jeff (Kevin Pearson) oo iman doona Hargaysa, waxay muddo shan iyo labaatan sanno ah caawinayeen Gambia oo ay xidhiidh lahaayeen, laakiin ay ka dhammatay imika, siday noo sheegeen wixii ka danbeeyana waxay noo balan qaadeen inay xidhiidh rasmi ah la samayn doonaan Somaliland, lana mataanoobi doonaan,”ayuu yidhi Maayar ku-xigeenka  Hargeysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply