Cilmi Baadhis: Khatarta Caafimaad Ee Saanbuusaha

0
428

 

Saanbusuhu waxa uu ka mid yahay cuntada loogu jeclyahay xilliga ramdaanta, qormo laga faafiyay shabakada Al-carabiya ayaa tilmaamaysa in saanbuusaha oo ah nooca saliida lagu shiilo, sida ay soomaalidu badankeedu u samaysato uu khatar u yahay caafimaadka.

Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacada HARVARD ee dalka maraykanka ayaa daaha ka qaaday in markaste oo ay korodho tirade maalmaha qofku uu todobaadkii saanbuusaha cunaayo inay sidoo kale la korodho suurtagalnimada inay ku dhacaan cudurada wadnuhu. Waxa aanay ku baaqeen in samaynta saanbuusaha loo maro nidaam caafimaad ahaan aan dhibaato keenayn. Waxa kale oo ay ku taliyeen in laga foogado isticmaalka baradha(chips) diyaarsan maadaama ay xadi badan oo saliida cabto.

Sidoo kale waa in hilibka saanbuusaha lagu daraayo laga saafaa baruurta haddii hilib digaag lagu daraayana waa in laga saafaa maqaarka(diirka) khafiifka ah ee dusha kaga dhagsan.

Ugu danbayntii khubaradu waxa ay ku taliyeen in halkii saliid lagaga shiili lahaa ay fiican tahay in la dubo (lagu moofeeyo mishiinka moofada).

Leave a Reply