Faa’idoyin Luulka Ka Qaalisan Oo Malabka U Leeyahay Caafimaadka Aadamaha

0
737

 

Malabku marka kowaad laga bilaabo isbedelka maqaarka saameyn weyn ayuu ku leeyahay, waxa kale oo aan eegi doonaa 7 faa’ido oo uu malabku u leeyahay aadamiga.

1: Tamarta wuu kordhiyaa hadaad doonayso tamarta jidhkaaga, isku day inaad kudarsato qorshaha   raashinka qaar maalin walba, haddii aad tahay shaah cab yaree waayo waxa uu dilaa waxtarka malabka malabka oo la daa’imo waxa uu is dabiici ah u kordhiyaa tamarka

2: Cun-cunka dhuunta waa u dawo  xabeebta waa uu u fiicanyahay malabku, haddii aad leedahay dhuun cun-cun ama raxinayo waa mid aad ugu wanaagsan malabku waana uu daaweeyaa

3: Waxa uu dhisaa difaaca jidhka malabku waxa uu awood weyn u yeelaa unugyada difaaca jidhka, khaastan haddii aad ka shaqaysid meelo jeermis badan, sida jeermiska ka yimaada meelaha dadku yaalaan

4: Miisaanka wuu dhimaa ma ogtahay in malabku ka qayb qaato dagista miisaanka jidhka, tusaale haddii aad biyo diiran oo lagu daray liimo dhanaan aad cabtid aroor kasta waxa ay yaraysaa baruurta. Laakiin ha hilmaamin inaad malab ku darsato

5: Hurdada waa ka qaybqaataa haddii aad dhibaato ku qabto ka jiifinta habeenkii hurdada malabku wuu kaa caawin karaa, raac tilmaantan in yar oo malab ah ku shub koob dabadeed ku dar caano diiran ka dib cab. Malabku waxa uu qofka ku keenaa daganaan iyo raaxo habeenkii xilliga hurdada.

6: Dhaawaca waa lagu daweeyaa haddii dhaawac ka qabto meel ka mida jidhkaaga oo dhakhso u dawoobiwaayo fadlan tijaabi inaad mariso malab meesha ku xanuunaysa .  waa jeermis dile malabku xanuunkiina waa uu ka yaraynayaa.

7: Neefta urta ee afka waa lagula dagaalamaa ma ogtahay in malabku ka caawin karo inaad la dagaalantid, sugid cuntada malabka waxa ku jirta sonkor dabiici ah oo aan beerka waxba u dhimayn. Runtu waxay tahay in malabku la dagaalamo neefta urta ee afka ka soo baxda.

Waxa kale oo jira tira badan oo faa’iido ah ee uu leeyahay malabka kuwana waa qeybo yar-yar oo ka mida ah. Markaa ula jeedku maaha inaad xadi badan oo malaba cunto, malabku waayo sun ayuu ku noqon karaa haddii aad xadi badan isticmaasho.

Leave a Reply