Tobanaan Qof oo ku Dhimatay Fatahaad

0
287

Dowladda Peru ayaa sheegtay in dad badan 70 qof la xaqiijiyay in ay ku dhinteen fatahaaddii ugu xumeyd ee sanadahan dalkaasi soo marta.

Roobab mahiigaan ah oo da’yay maalmo badan ayaa dhaliyay in webiyada ay jabsadaan, isla markaana uu dumo dhulka qeybo badan oo waddankaasi ah.

In ka badan 800 oo degmo oo dalkaasi ka tirsan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Caasimadda Lima ayaa biyo la’aan ahayd tan iyo Isniintii lasoo dhaafay.

Peru iyo dalalka ku xeeran badweynta Pacific ayaa xilligan waxaa ka taagan cimilo ka dhalatay El Nino, taasoo ah in uu sare u kaco heer kulka badda, ayna da’aan roobab lixaad leh.

Khubarada deegaanka ayaa arrintaasi u aanaynaya isbedelka ku yimid cimilada caalamka.

 

Leave a Reply