Wax Ma Ka Taqaana Muhiimadda Fitamin C?

0
303

Difaaca jidhkaaga wuxuu u baahan yahay fitamin C si uu si fiican u shaqeeyo. Hasa yeeshee hadii la iska badiyo, wax badan ma  caawiso. Waxaa laga yaabaa in fitamin C-gu uu yareeyo astaamaha hargabka, waa hadii aad qaadaney say inta uusan kugu dhicin ka hor.

Fitamin C wuxuu ka caawin karaa sidi aad jidhka uga saari lahayd kiimikooyinka dhaawici kara unuga iyo DNA diisa. Waxay caadi kadhigtaa walxaha dhaawaca unugyada ee ku jira jidhkeena ee ka dhasha wasakhda, sigaarka, iftiinka qoraxda. Fitamin C gu wuxuu caawiyaa qeybo badan oo ka mid ah jidhkeena si ay u shaqeeyaan , iyo ka hortaga xanuunada alzaymars iyo kansar.

Dhisidda lafaha, maqaarka iyo murqaha

 

Jidhkaaga waxaa isku haya bortiin la yidhaahdo kolajin, kolajintu waa walax isku duuban oo dhista lafaha, carjawda, maqaarka, iyo murqaha iyo wadnaha. Waxaad u baahan tahay kolajin si maqaar cusub uu ukoro. Jidhkaagu ma sameyn karo kolajin fitamin C la’aan

 

Maskax xoojiye

 

Waxaad u baahan tahay fitamin C, si jidhkaagu uu u sameeyo hormoono muhiim ah,  oo kexeeya fariimaha kala duwan ee maskaxda

 

Dhawridda araga

 

Fitamin A ga ku jira karootada/dabacasaha ma ahan midda kaliya ee aad u baahan tahay si aad u dhawrtid araga. Waxaa la aamin san yahay inaad u baahan tahay fitamin C, sababtoo ah wuxuu yareeya xumaanshaha murqaha.

 

Waxaa laga helaa midhaha

 

Midhaha inta badan laga helo waxaan ka mid ah burtuqaalka, bambeelmo, liin dhanaanta, istoroberi, babaayga, caana-naaska, xabxabka, muuska, tufaaxa, waxaa fiican iney yihiin fareesh, sababtoo ah fitamin Cgu wuu burburaa hadii uu waqti dheer qaato ama la kululeeyo

 

Maxaa dhacaya hadii uu kugu yar yahay fitamin C

 

Dadka aanan cunin cunto fiican ama isticmaalo dawooyinka qaar, waxay halis ugu jiraan inuu ku yaraado, sidoo kale xanuunada kansarka qaar iyo xanuunada kelyaha waa kuwo yareyn kara heerka fitamin Cga, astaamaha waxaa kamid ah, daal badan, barar, ama ciridka oo dhiigo, ilkaha oo jilca, kalagoysyo xanuun, maqaarka oo adkaada, boogta oo aan si fudud ku bogsan

 

Maxaa dhacaya hadii uu kaabato fitamin C

 

Jidhkaaga ma xamili karo fitamin Cgu xad dhaaf ah, wuxuu sababi karaa calool majiir, shuban sidoo kale wuxuu horseedi karaa dhagaxa kilyaha

 

 

 

Malabku waa waxa kaliya ee ugu macaan waxyaabaha uu alle ugu deeqay umadiisa in ku manaafacaasadaan . sidoo kalana waxa laga yaabaa inaad ka warqabin, inuu leeyahay faaidooyin farabadan oo dhinaca caafimaad ah.

 

 

Leave a Reply