Xikmadaha Maanta

0
341

Sirta noloshu ma’aha in aad samayso waxa aad jeceshay, balse waa in aad jeceshay waxa aad qabanayso.

Qaraabada iyo ehelka cunto iyo cabbitaan la wadaag, laakiin abidkaa shaqo ha la wadaagin.

Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa illaa xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa  khaladka ka gala.

Haddii aad caado ka dhigato in aad ka cadhooto wax kasta oo ku raalli gelin waaya, weligaa nolosha ku xasili maysid.

Khayrka minjo u noqo, laakiin weliga sharka madax ha u noqon.

Marka aad walaalkaa ka caawiso in uu buur fuulo, waxa aad ogaataa in aad tahay qofka ugu dhow ee ku xiga isaga fanashada buurtaas.

Qofka oo cadhooda marka la canaantaa, waa astaan muujinaysa in uu mudnaa canaantaa.

Marka aad taariikhda dib u raacdo waxa aad ogaanaysaa in runtu mar walba tahay mid aan la faafin.

La fadhiiso dadka caqliga badan, xitaa haddii ay yihiin cadawgaaga, waayo caqligu caqliga ayuu la hadlaa.

Leave a Reply