Wax Ka Baro Sida Biyaha Badda Ee Dhanaan Loogu Bedelo Biyo Macaan

0
663

Haddii aad weydo biyaha badda mooyee biyo kale, waxaad biyaha badda u bedeli kartaa biyo macaan oo aan milix lahayn. Waxay kugu qaadanaysaa 30 daqiiqo inaad koob biyo ah oo macaan ka miirtid biyaha badda.

Waxaa jira dhowr siyaabood oo biyaha badda looga saaro cusbada ama milixda loogana dhigi karo biyo macaan oo la cabi karo.

Inaad biyaha badda ka saarto milixda waxaa keliya oo aad u baahan tahay digsi, dab ama qorrax iyo weel yar oo biyaha saafiga ahi kuugu dhacaan.

Waxaad ugu horeyn u baahan tahay digsi ama weel godan oo aan caag ahayn waayo dabka ayaa saaraysaa. Digsigaa aad dabka saartay oo aad ku shubtay biyihii badda waxaad dhexdhigaysaa weel yar oo madhan, aana socsoconayn oo yara culus. Biyaha digsiga ku jiraa waa inay kala badh u joogaan weelka madhan ee aad dhex dhigtay digsiga si marka ay karaan aanay ugu dhicin biyahaa badda ee aad karkarinaysaa weelka madhan.

Daboolka digsiga waa inaa dhinaca sare hooseysiisaa sii uu u yeeshe meel biyuhu ka daataan. Marka uu bilaabmo uumi baxa biyaha waxaa qiiqii uumi baxu ku dhacayaa daboolkii, ka dibna wuxuu isu rogayaa biyo. Waxaad wax badan aragtay weel karkaraya hadaad daboolka ka qaado, waxaa daboolkaa ama furkaas ka daadanaya biyo, xagee ka yimaadeen? Hawadii baxaysay ayaa biyo noqonaysa marka daboolku soo celiyo waxaana weelkii madhnaa ku dhacaya biyo saafi ah oo aan lahayn haba yaraatee wax cusba ama milix ah.waxaad kaloo samayn kartaa inaad kidhli ku shubto biyaha badda, ka dib meesha uumiga karka ka baxayo aad tuubo ku xidho, taas oo uumiga u gudbinaysa weel kale.Uumigaa ayaa noqonaya biyo saafi ah.Labadan hab waxaa la yiraahdaa uumi bixinta biyaha. Waana siyaabaha ugu fudud ee biyaha badda looga dhigi karo biyo macaan oo la cabi karo.

Waxaa kaloo jira in qoraxda ama soolar loo adeegsado in biyaha badda loogu bedelo xareed la cabbi karo. Qalabkaas qoraxda ku shaqeeya oo aan u baahnayn koronto iyo dab wuxuu u baahan yahay qorax keliya waa inaad weel hoos dhigto ay kuugu dhacaan biyaha saafiga ah. Ugu horeyn biyaha badda ayaad ku shubaysaa ka dibna qoraxda ayaa biyaha uumi bax ku samaynaysa ka dibna daboolka ayaa soo celinaya, waxaana biyihii ku dhacayaan weelkii aad hoos dhigtay, Sida sawiradan ka muuqata.

Wadama badan oo Koonfur Bari Aasiya ku yaala ayaa isticmaala qalabkan oo aan qaali ahayn. Biyaha oo la sifeeyaa Kuma koobna biyaha badda oo keliya ee waxaad ku safayn kartaa habka uumi baxa biya kasta oo midabkooda, urtooda iyo wax kastaa is bedeleen adigoo u bedelaya biyo saafi ah.

 

Leave a Reply