Qabiilo degan buuraha Himalaya oo lagu magacaabo Honsa ayaa ah mid ka go’an dunida kale kuwaasi oo noloshoodii caadiga ahayd ku jira, iyagoon u baahnayn dunida kale. Qabiiladan aya la sheegay inay ka mid qabiiloyinka dunida ku nool ee ugu nolol wanaagsan uguna cimriga dheer.
Waxaana la sheegay in cimrigoodu uu gaadho 145 sano. Waxa kale oo la cadeeyay in aanay ku dhicin xanuunada Wadnaha, Kansarka, macaanka, dhiig karka iyo subaga iyo weliba dhamaan xanuunada kale ee dunida aafeeyay.
Dr.Robert Makrison ayaa qabiiladan sanadkii 1961 ka qoray buug uu bixixyay Studies in Deficiency Disease, ka dib markii uu halkaasi ku tegay kormeer. Qabiiladan ayaa raashinkoodu yahay hilibka digaaga, caanaha iyo midhaha beeraha, khudrada darayga ah ee cagaaran iyo noocyada Yicibta ay beertaan iyo guud ahan midho dabiici ah. Waxayna caado u leeyihiin shaqo badan, iyagoo sidoo kalena sameeyay jimcsiyo. Marka wakhtiga gugu u bilaabmona waxay soomaan 7 maalmood ee ugu horeeya.