Booliska Ingiriiska oo Diyaarinaya Diyaaraddo Drones ah si ay Ugu Baadhaan Dambiileyaashay Waayaan

0
277

Saldhigyada ciidamada Booliska ee Devon iyo Cornwall ayaa diyaarinaaya diyaaraddo Drones ah ama aanay ciddi wadin, kuwaas oo shaqayn kara muddo 24 saacadood ah, waxaanay ugu talo galeen inay u adeegsadaan dembiileyaasha la waayo baadhitaankooda.

Diyaaraddahan ayaa la hawl gelin doonaa xagaaga soo socda, sida ay wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan u sheegeen saraakil ciidamada Booliska Ingiriiska ka tirsani.

Waxaana hadda la diyaarinayaa sarkaalkii hagi lahaa  diyaaraddahaasi meelaha laga hagaayo diyaaradahaasi  oo laga  adeegsan doono ilaa 9 saldhig oo kuwa ciidamada ah, kuwaas oo ku yaala labadaasi gobol.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in isticmaalka diyaaradahani yihiin kuwo faa’ido weyn usoo kordhinaaya ciidamada, gaar ahaana waqtiyada hawlgalada ay ku jiraan, taasina ay tahay waxtar weyn.

Diyaaraddahan ayaa la qorshaynayaa in lagu fidiyo dalkaasi saldhigyada ku yaala , kadib marka labadan saldhig lagu tijaabiyo  xagaaga soo socda.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply