Budhcadda Internet-ka oo ka Xaday Kenya $39 Milyan oo Doolar

0
318

Khabiir ku takhasusay arrimaha tiknolojiyadda ayaa dacwad lagu oogay, waxaana lagu eedeynayaa in $39 milyan oo dollar uu ka xaday laanta canshuuraha ee Kenya (KRA).

Alex Mutungi Mutuku, oo 28 sano jir ah, waxaa lagu eedeeyay in uu sameeyay khiyaamo dhanka internet-ka ah.

Balse Alex Mutuku wuxuu beeniyay in uu khalad sameeyay.

Dacwad oogaha wuxuu sheegay in ninka uu ka mid yahay shabakad ballaadhan oo lacag ka xaday laamaha dowladda.

Mutuku ayaa la xidhay ka dib markii booliska ay dabagal ku sameeyeen qaabka lacagta looga xaday laanta canshuuraha.

Waxaa lagu haynayaa xabsiga inta booliska la dagaallankaa dembiyada internet-ka ay wadaan baadhitaankooda.

Waxay aaminsan yihiin in ay jiraan xidhiidho kale oo caalami ah oo ka wada shaqeeyay dhaca.

Waxaa la sheegayaa in arrinta ay ka qeybgaleen budhcad dhanka internet-ka ah oo haysta qalab iyo software u sahlay in ay dhacaan laamaha dowladda, sida uu ku warramay wargeyska Standrad ee Kenya.

“Waa xaalad ay budhcadda isticmaalayaan qalab hage ah, halkaas oo kuwa laga shakisan yahay in si fudud ay ugu adeeganayaan qalabkooda, daqiiqad ka dibna waxaad ogaaneysaa in akoonkaaga bangiga aysan lacag ku jirin”, ayuu yidhi Edwin Okello, oo ah dacwad oogaaha guud ee Kenya, oo wargeyska uu soo xigtay.

“Akhbaarta aan hayno waa dhibic bad lagu daray. Jabsiga waxaa ku lug leh dad ku sugan dibadda Kenya”.

Horraantii isbuucan, booliska Kenya wuxuu sheegay in shirkad Shiinaha laga leeyahay ay ka dambeysay dhaqdhaqaaqyo dhanka internet-ka ah oo lacag looga xaday maamulka canshuuraha ee Kenya.

Leave a Reply