Shirkadaha Chine oo Soo Saaray Gawaadhi Raaxo oo Sidii Guriga po Kale u Samaysan

0
283

Shirkad laga lee yahay wadanka Shiinaha oo ah nooca sameeya gawaadhida yar yar ayaa soo saartay gaadhi noociisu cusub yahay , kaas oo lagu dhex sameeyey wax walba oo qofku u baahnaa .

Gaadhigan ayaa ah mid loogu talo galay in qofka saarani inta uu saran yahay u dhaqmi karo sidii oo uu gurigiisii joogo, waxaanu sidoo kalena kaga duwan yahay gawaadhida kale, waxa gaadhigan laga dhigi karaa mid iskii isu wada , sidoo kalena qofka ayaa wadi kara.

Warbixin ku saabsan gaadhigan oo koobnayd ayaa lagu daabacay wargeyska NIO  oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ,iyada oo lagu sheegay in gaadhigani yahay mid nafta qofka soo jiidanaaya, siday ay sheegeen khubarada shirkaddan oo qoraalkan daabacday.

Gaadhigan ayaa leh Midabo kala duwan oo laga hagaayo, iyada oo hadba sida aad doonayso aad u kaxaynayso gaadhiga, waxaanu qofku noqon karaa mid isagu wada gaadhigan , sidoo kalena gaadhiga ayaa laga dhigi karaa mid iskii isu wada, iyada oo la adeegsanaayo Koombiyuutar gaadhigaasi ku rakiban.

Gaadhigan oo waqtigan ku jira samayntiisii ayaa waxa lasoo saari doonaa kuwiisa ugu horeeya sannadka 2020 ka, iyada oo shirkaddu sheegtay inay kula tartamayso shirkaddaha gawaadhida soo saara, gaar ahaana shirkaddaha Ford,Mercedes iyo Volvo, kuwaas oo gawaadhi sida kan is wada soo saaray.

 

Leave a Reply