Qalin Sixir ah oo Imtixaanka ku Baasinaya!

0
286

Imtixaanku waa arinka ugu werwerka badan ee soo waajaha arday kasta isagoo ka fikiraya sidii uu uga gudbi lahaa imtixaankaasi. Arinkani xataa wuxu haystaa ardayda dedaasha ee caqliga badan maxaa yeelay imtixaanka ayaa iska leh cabsi-cuqdadeed aad u daran gaar ahaana marka uu soo dhowaado.

 

Haddaba macbad ku yaalla dalka Hindiya ayaa sheegay inuu doonayo in arinkaasi ardayda ka fudaydiyo sidaa awgeedna uu soo saaray Qalin sixir ah oo arday kasta oo imitxaan ku gaalla aanu dhacayn ee ka gudbayo ee uu gudbayo.

 

Macbadkan ayaa sheegay in qalinkani yahay dhamaadka imtixaan dhicidda, iyagoo qalinkan ka bixiyay balan qaad iyo damaanad 100%. Macbadka ayaa intaasi ku daray in qalinkani aanu ardayga imtixaanka keliya gudbinayn ee uu weliba ardaygu u ogolaanyo inuu helo derejooyin sare. Qiimaha lagu iibinayo qalinka ayaa ah lacag dhan $ 29.  “ U iibi ilmahaaga qalinka si uu gudbo Imtixaanka fasalada dhamaadka waxbarshada dhexe ama sare iyo jaamacadda”, waa kelmadaha xayaysiiska ah ee ku lamaan qalinkan.

 

Ugu danbayn maaha wax yaab leh in khuraafaad noocan ah wax lagu iibiyo dal aaminsan sanamo oo Hinduusa oo aan rumaysnayn Allah (sw) xaq iyo islaamnimada maskaxda ha u furi lahayd.      Source: wonderfulengineering

Leave a Reply