Gadar oo ku Maalgashanayso Ingiriiska 5 Bilyan oo Doolar

0
321

Ra’isal wasaaraha Qadar, Sheekh Cabdallah Bin Naasir Bin Khalifa Al Thani, ayaa sheegay in dalkiisu doonayo in uu ku maal gashado wadanka Ingiriiska 5 bilyan oo Giniga Sterling-ka ah shanta sanadood ee soo socda.

Hadal uu ka jeediyey shir maalgashi oo ay ka qayb galayaan in ka badan 400 oo qof oo madax ka ah shirkadaha ganacsiga ee Ingiriiska iyo Qadar oo lagu qabtay caasimadda Ingiriiska ee London, ayuu ku yidhi “maal gashigayaga Ingiriisku wuxu xoogga saari doona dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, guryaha iyo adeegyada kale”.

Sheekh Cabdallah wuxuu intaa ku daray oo yidhi “hadii aad u fiirsataan waxa aanu halkan ka qabanay, waxaad arki kartaan in wax kasta oo aanu qabanay faa’iido leeyahay”.

Shirkan oo maalintiisa labaad ee Salaasada ah lagu soo gabagabaynayay  magaalada Birmingham ee badhtamaha Ingiriiska ayaa waxa ka qayb galaya wasiirka ganacsiga ee Ingiriiska William Fox.

Fox ayaa wuxu doonayaa in uu dunida u muujiyo in Ingiriisku diyaar u yahay ganacsiga iyo maal gashiga in kasta oo dalkiisu ka baxay Midowga Yurub, waxaanu farta ku fiiqay in Qadar tahay dal hormood u ah ganacsiga Ingiriiska ka dib markii dalkiisu ka baxay Midowga Yurub.

Waxa wararku sheegayaan in maalgashiga Qadar ku leedahay Ingiriiska qiimihiisu dhan yahay 40 bilyan oo Giniga Sterling-ka ah, waxaana ka mid ah dhismayaasha ay ku leedahay London dhismaha Shard ee ugu dheer magaaladaas iyo dhismeyaal kale.

 

Leave a Reply