Komishanka oo Shaaciyay Tirada Codbixiyeyaasha Isu Diwaangeliyay Doorashooyinka Somaliland

0
325

Hargeysa (Dawan)- Guddida Komishanka doorashooyinka  Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah  ugu dhawaaqay natiijada tirada guud ee codbixiyeyaasha isu diiwaangeliyay doorashooyinka  ee  gobollada iyo degmooyinka dalka iyo wakhtiga ay bilaabayaan bixinta kaadhadhka codbixiyayaasha.

Guddidda Doorashooyinku  waxa kaloo  ay shaaciyeen wakhtiga rasmiga ah ee ay dalk ka qabsoomayaan doorashooyinka Madaxtooyadu, taas oo ah muddadii ay ansixiyeen golaha guurtida Somaliland. sidoo kalena waxay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyeen dhaqaalaha loogu talogalay qabsoomida doorashooyinka ay gacanta ku hayaan.

Cabdifataax Ibraahim Xasan oo ka mid ah xubnaha guddidas doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqay maalinta ay bilaabmayso bixinta kaadhahka codbixiyaasha Somaliland, waxaanu yidhi “Kaadh qaybintu waxa ay dalka ka bilaabmaysaa 29-ka bisha April 2017 oo ku beegan maalin Sabti ah, waxaanay ka bilaabmaysaa gobollada Awdal, Saaxil iyo xeebaha goboka Sanaag.”

Cabdifataax waxa kale oo uu ka hadlay tirada hordhaca ah ee dadka iska diwaangeliyay guud ahaan dalka, waxaanu yidhi “Gobolka Maroodijeex guud ahaan  waxa iska diiwaangaliyey 312,634, magaalada Hargeysa waxa iska diiwaangaliyey 222,975, Gabiley Waxa iska diiwaangaliyey 58,087, Balli-gubadle waxa iska diiwaangaliyey 14,757, magalada Salaxleyna waxa iska diiwaangaliyey 16,815.

Gobolka Saaxil guud ahaan waxa iska diiwaangeliyey 78,842, magaalada Berbera waxa iska diiwaangaliyey 63,831, halka magaalada Sheekh-na ay iska diiwaangaliyeen 15,011.

Gobolka Togdheer guud ahaan waxa iska diiwaangaliyey 178,506, magaalada Burco waxa iska diiwaangaliyey 44,954, Oodwayne waxa iska diiwaangaliyey 23,614, halka ay Buuhoodle iska diiwaangaliyeen 9,933.”

Cabdifataax Ibraahin Xasan, waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Gobolka Sool guud ahaan waxa iska diiwaangaliyey 71,096, magaalada Laascaanood waxa iska diiwaangaliyey 29,558,  Caynaba waxa iska diiwaangaliyey  31,052, Xudun waxa iska diiwaangaliyey 5,341, Taleexna waxa iska diiwaangaliyey 5,145.

Gobolka Sanaag guud ahaan waxa iska diiwaangaliyey 85,222, Ceerigaabo waxa iska diiwaangaliyey 50,432, Ceel-afwayn waxa iska diiwaangaliyey 12,203, Gar-adag waxa iska diiwaangaliyey 17,962, Badhanna waxa iska diiwaangaliyey 4,625.

Gobolka Awdal guud ahaan waxa iska diiwaangaliyey 147,031, Borama waxa iska diiwaangaliyey 90,496, Saylac waxa iska diiwaangaliyey 26,547, Lughaya waxa iska diiwaangaliyey 15,185, Bakina waxa iska diiwaangaliyey 14,830.”

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, mudane Cabdilqaadir Iiman Warsame, ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay lacagta ay u hayaan doorashooyinka ee ay ugu talo galeen inay ku qabtaan waxanu yidhi  “Waxa ay noqotay afar milyan oo dollar oo ah shaqadan aanu hada heynaa ay ku jirto, oo guud ahaan afartaa milyan ay bixineysay dawlada Somaliland, waxaananu dowladda ka heynaa saddex malyan oo dollar, waxaanu ka sugeynaa hal milyan oo ku dhiman, jadwalka kaadh bixinta iyo ka doorashadu waa ay isa soo galayeen, iyada marka ay qaadhaan bixiyayaashu faraha ka qaadeen, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa balan ku qaaday 25-kii Sebtember, afar milyan oo dhadhaw eyay noqotay, iyaduna balan qaadana  waanu heynaa walina account-kayaga waxba kuma jiraan, koomiishanka doorashooyinku waxaa uu ka codsanaya dhinacyada ay khuseyso inay si deg dega u dhameystiraan wixii kaga aadan doorashada hadii ay tahay, xisbiyada qaranka dawladda, iyo cidkasta oo la xidhiidha koomishanka oo wax uga baahan, inay soo dhameystirto waxaa ay uga baahan tahay”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply