Maraykanka oo ka Hor yimi Mamnuucidda Nukliyeerka

0
354

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii ugu horeysey abid ka doodey in caalamka laga mamnuuco hubka nukliyeerka. In ka badan 120 wadan ayaa taageeray heshiiska noocan ah.

Dhamaan wadamada haysta hubka nukliyeerka iyo ilaa afartan wadan oo kale ayaan ka soo xaadirin kulankii arrinkan lagu gorfeynayey.

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey, Nikki Haley, ayaa sheegtey in amaanka dalkeedu nukliyeerka u baahan yahay maadaama ay jiraan waxa ay ku tilmaantay dalal hubkaa haysta oo aan la aamini karin. Ms Haley waxay intaasi raacisay wax lala yaabo mey ahayn in Iran ay taageerto hishiiskan iyo in aanay cidina fileyn in Kuuriyada Waqooyi ogolaato heshiis noocan ah.

Danjiraha Ingiriiska ee Qaramada Midoobey Matthew Rycroft ayaa isaguna sheegey in qaabka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo heshiis noocan oo kale ah ay tahay in talaabo talaabo looga wada xaajoodo.

Faransiiska ayaa ka mid ahaa dalalka aan kasoo qayb gelin kulankan.

Qolyihii dabada ka riixayey heshiiska ayaa sheegey in xitaa iyada oo aanay wadamada nukliyeerka haystaa kasoo qayb galin kulankan, uu saameyn weyn ku yeelan doono xili khatarta nukliyeerku halkii ugu sareysey taagan tahay ilaa dagaalkii qaboobaa.

Leave a Reply