Xisbiyada oo soo Dhaweeyay Go’aamo ka soo Baxay Komishanka Doorashooyinka

0
290

Hargeysa (Dawan)- Saddexda xisbi qaran ee Somaliland,  ayaa ka hadlay wakhtiga la bilaabayo qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha    iyo natiijadii  diwaangelinta cod bixiyayaasha ee Komishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen  shalay.

Xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID,   ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay ,  waxaanay sheegeen in Guddida doorashooyinku ay qaadeen talaabo ay ku dardargelinayaan hawlaha u diyaar garowga doorashadda madaxtooyadda.

 

Afhayeen Xisbiga talada haya ee  KULMIYE,  Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa sheegay in aanu waddanku qaadi karin dib u dhac dambe oo ku yimaada doorashada Madaxtooyada,  Waxaanu  yidhi;     “Wax ka dhiman kamay  hadal Komishanku, waxaan u malaynayaa inay u dhammaystiran yihiin shaqadii ay ku qabanayeen doorashada. waddanku ma qaadi karo doorasho dib u sii dhacda mar kale.  waxaannu aad u soo dhawaynayaa in doorashadu qabsoonto.”

Ku-xigeenka Xoghahay guud ee xisbiga UCID,  Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax),   ayaa ka hadlay aragtida xisbigiisa, waxaannu yidhi, “Waxaan halkand ka caddaynayaa inaan hiil iyo hoo la garab taagan nahay Komishanka, waxaan ilaahay  ka rajaynaynaa 13 November in ay dalka ka dhacdo doorsho xor iyo xalaal ah. waxaan illaahay ka baryayanaan in uu ummada u dan ah inuu u dooro mid ka mid ah saddexda Murrashax ee tartamaya.”

 

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI,  Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde,  ayaa isna ka hadlay aragtida uu xisbiga Waddani ka qabao natiijada diwaan-gelinta iyo wakhtiga la bilaabayo kaadhadhka codbixinta waxaanu  yidhi,  “Haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI waanu soo dhawaynayaa  marka hore qorshaha  iyo tacabka badan ee komishanku sameeyay si ay doorashadu u qabsoonto.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply