Saddex Xagalka Barmuudda Wuu Tuullo Halaagsantay!

0
402

Khubaro cilmiga badaha ku xeel dheer ayaa cadayeey in saddex xagalka Barmuudda ay hoostiisa ku taallo magaalo halaagsantay muddo 50 kun oo sano ka hor ah.  Sida lagu daabacay Rsute.ru Mr. Pauline Zalitsky, iyo koox khubaro ah oo cilmiga badaha yaqaana ayaa soo saaray buuro dhagaxan guryo ah oo ku hooseeyaa saddex xaglka Barmudda oo ku yaalla badweynta Atlantiga.

Gabadha  Zalitsky oo ka mid ah khubradan ayaa tidhi “ daah furanka cusubi wuxuu muujiyay guryo dhagxan ka samaysan oo la dhisay 200 kun sano ka hor,isla markaana ay dhulka hoos u galeen muddo haatan laga joogo 50 kun sano.

Aqoonyahanada ayaa sheegay inay taariikhyahandu aaminsan yihiin inay tahay qaarad badda Atlaantiga ku taallay oo la waayay,  halka kuwo kalena ay sheegeen inay tahay umado hore oo lahaa xadaraad ka muuqata dhismayaasha ku hoos teedsan Barmuuda. Waxa kale oo ay sheegeen in muuqaalkani yahay kii uu tilmamay bad mareenkii Colombos oo wakhtigaasi tilmaamay dhismayaashii deegaanadii iyo dhulkii uu sahamiyay nooca ay muuqaal ahaan u eekaayeen.

Leave a Reply