Daarasado Iftiimiyey Kaalinta Ay Biyaha Liinta Lagu Daray Ka Qaatan Qashin saaridda jidhka

0
463

Dadka qaar waxay maalintooda ku bilaabaan biyo lagu daray liin inta ay ku bilaabi lahaayeen qaxwo ama shah, sidoo kale waxaa jira ma qaaxiyo badan oo dadka ugu adeega biyo lagu daray liin dhanaan, maanta waxaan halkaan ku soo gudbineynaa biyahaas ma wax u fiican caafimaadka?

Waxaa jira cilmi baadhis yar yar ah oo lagu sameeyay saameynta biyaha liinta lagu daray, waxaana  jira faa’idooyin laga soo tabiyay cilmi baadhistaas

  1. Waxay kor uqaadeysaa fuuq celinta jidhka

Cabirka ugu fiican oo la cabo biyaha maalintii waa 8 ilaa iyo 10 galaas waxaana sidaas ku taliya dadka ku xeel dheere nafaqada iyo cunada. Biyaha waa cabitaanka ugu fiican ee fuuqcelinta laakin waxaa laga yaabaa dadka qaar ineysan jeclayn dhadhanka biyaha caadiga ah sidaa darteed liinta waxay u yeeleysaa dhadhan fiican oo sahli kara in biyo badan la cabo

  1. Waxaa laga helaa Vitamin C

Liin dhanaanta waxay kujira Vitamin C, waana maadado ah antioxidant oo ka hortagta in unugyada jidhka ay dhaawacmaan

Vitamin C waxaa laga yabaa inuu hoos udhigo Xanuunada ku dhaca Wadnaha iyo Xididada, Faaluga iyo in ay hoos udhigto cadaadiska dhiigga, sidoo kale Vitamin C waxay kaloo caawisaa iney ka hortagto ama ay yareeyso muddada Hargabka, in kastoo aan loo dhameyn arintaan

  1. Waxay kor uqaadeysaa tayada maqaarka

Vitamin C-ga laga helo liinta waxay caawisaa iney ka hortago in maqaarka uu duuduubmo, Warbixin caafimaad oo la daabacay ayaa sheegeysa in dadka qaata Vitamin C badan uusan maqaarkooda sida dadka aanan qaadanin oo kale u duuduubmin. Waxaa lagula taliyaa dadka in ay ugu yaraan 8 galaas oo biyo ah ay cabaan maalintii si ay jidhkuudu ufuuqceliyaan ayna u qashin saaraan maqaarkooda.

  1. Waxay caawisaa yareynta misaanka jidha

Waxaa la aamin sanyahay in ay yareyso miisaanka jidhka kaga yimaada cunada dufinka badan, sidoo kale waxay yareysaa iska caabinta hormoonka Insulin

  1. Waxay caawisaa dheefshiidka

 

Dadka qaar waxay cabaan biyo lagu daray liin subaxdii si ay uga hortagaan calool istaag, in la cabo biyo diiran ama biyo liin lagu daray waxay dhiiragelineysaa dhaqdhaqaaqa habka dheefshiidka

  1. Waxay udgoon ka dhigtaa neefta

Wali maku xoqday liin gacmahaaga si aad uga goysid ur adag? Isla sidaas ayaa loo mariyaa ama loo cabaa si ay uga hortagto neefta oo soo urta am urta ka dhalata cunidda toonta, basasha ama kalluunka

Ku carfi neeftaada adigoo cabaya galaas biyo liin lagu daray subaxdi ama cunada ka dib, liinta waxaa la aamin sanyahay iney soo saarto calyada si ay uga hortagto in afka uu qalalo, taas oo horseedeysa neefta oo soo urto.

  1. Waxay ka hortagtaa dhagaxa kilyaha

Maadada la yidhaahdo Citric Acid ee ku jirta liinta waxay ka hortagtaa in kilyaha ay ku sameysmaan dhagaxyada Kalshiyam, waxaa lagula taliyaa dadka iney badiyaan qaadashada Citric Acid si ay u yareeyaan halista in dhagaxyo cusub ay sameymaan

Dhinaca saameynta ee biyaha liinta lagu daray

Guud ahaan waa amaan in lacabo, laakin waxaa jira waxyaaba yaryar oo keeni kara saameyn oo loo baahan yahay in laga warqabo.

Liinta waxaa kujira maada la ydhraahdo Citric Acid oo keeni karta in dahaadhka ilkaha ay milmaan, si loo yareeyo waxaad ku cabtaa Straw ama ku luqluqo biyo caadi ah marka aad cabtid kadib.

Marka laga hadlaayo laabjeex biyaha liinta leh waxay noqon karaa kuwo kiciya laabjeexa iyo kuwo damiya, hadii liinta ay kuu tahay mid kiciso adiga waxaa kuu wanaagsan inaad ka fogaato

 

 

 

 

Leave a Reply