Suufi Laayay Labaatan ka mid ah Xertiisii

0
337

Booliska Bakistan ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof uu dilay nin madax ka ah meel ay ku cibaadaystaan dadka suufiyiinta ah ee gobolka Punjab.

Booliska magaalada Sargodha ayaa xidhay ninkaas la rumaysan yahay inuu mas’uul ka ahaa dilka.

Waxay sheegeen in Abdul Waheed, oo madax ka ahaa meel lagu cibaadaysto oo ku taalla tuulo magaalada ka baxsan, uu xertiisa ugu yeedhay mid-mid inay qol u soo galaan, ka hor intii uusan daroogayn oo aanu ku weerarin baangado iyo budhadh.

Dad halkaa deggan ayaa u sheegay TV Pakistan ku yaalla inuu si joogto ah u jidhdilo dadka taabacsan.

Boolisku waxay sheegeen in ninkaas oo u muuqday in maskaxdiisa ay wax u dhiman yihiin uu dilka qirtay, wuxuuna u sheegay inuu sidaa u sameeyey bacdamaa ay dadkii uu dilay doonayeen inuu isagu dhinto.

Mid ka mid ah 4 qof oo dhaawacyo qaba oo dilka ka badbaaday ayaa booliska wargeliyey.

 

Leave a Reply