Aqalka Cad oo ku Eedeeyay Suuriya Weerar Kiimiko oo 58 Qof Dilay

0
313

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in dowladda Bashar al-Assad ay ka danbaysay  sida muuqata weerarka kimiko ee ku dilay 58 qof waqooyi galbeed Suuriya.

 

Shaqaalaha difaaca dadka rayidka iyo kooxaha la socda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Ruushka ama Suuriya ay fuliyeen weerar gaas oo ka dhacay magaalo mucaaradka ay haystaan oo ku taalla waqooyiga Suuriya , halkaasi oo ugu yaraan 58 qof ay ku dhinteen, 200 oo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya  ayaa weerarka ku qeexay mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee dhacay muddada lixda sano ah ee dagaalka sokeeye uu dalkaas ka socdo, waxaana xisbiga mucaaradka Suuriya ee Isbaheyisga Qaran uu weerarka ku sheegay “Xasuuq argagax leh.

Ruushiya  waa ay beenisay inay wax lug ah lu lahayd weerarka.

Sida oo kale ciidamada Suuriya ayaa iyana beeniyay.

Hay’ad dusha kala socota xadgudbyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Suuriya, ayaa sheegtay in in badan oo ka mid ah dhibanayaasha magaalada Khan Sheikhoun ee gobolka waqooyi ee Idlib ay qufacayaan, neefta ku xidhantay, matagayaan ama xumbo afka ka daynayaan.

Gobolka Idlib ayaa waxaa haysta mucaaradka dagaalka xooggan ku qaadayey dowladda madaxweyne Bashar al-Assad tan iyo sanadii 2011, dagaalkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 400,000 oo qof, islamarkaana malaayin kale ay ku barakaceen.

Suuriya ayaa waxaa horey loogu eedeeyey inay hubka kiimikada u isticmaasho shacabkeeda, eedeymahaasi oo ay beenisay.

 

Leave a Reply