Khasaaraha Qaraxii Ruushka oo Kordhay

0
277

Xukuumada Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in 51 qof lagu daweeyay isbataalada. Ka dib qarax ka dhacay goob laga raaco tareenada dhulka hostiisa mara magaalada St-Petersburg .

Dad gaadhaya 14 qof ayaa ku dhintay qaraxani  iyada oo saddex ka mid ahi markii danbe dhaawac dhinteen, waxaanay  dacwad soo oogayaasha sheegeen in ay u arkaan fal argagixiso .

Ciidamada amniga Kyrgyzstan ayaa ku sheegay  eedeysanaha magaciisa  Akbarzhon Jalilov, oo ku dhashay caasimada  Kyrgyz ee  Osh sannadkii  in 1995, waxaanu qaatay dhalasho Ruush ah.

Baadhayaasha Ruushka ayaa mar danbe xaqiijiyay magacaasi.

Warar ay qorayaan qaar ka mid ah saxaafada oo soo xiganaya ila wareedyo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in laga yaabo in uu qaraxani ahaa mid uu gaystay qof isku soo xidhay banbaano. Kaasoo ay suuragal tahay in bartamaha Asiya uu ka soo jeedo.

Dowlada Maraykanka ayaa balanqaaday in ay Ruushka gacan ka siin doonaan baadhitaanada qaraxani .

Madaxwayne Trump ayaa waxa uu u balanqaaday dhigiisa Ruushka in dowlada Maraykanka ay ka caawin doonto Ruushka sidii cadaalada loo hor keeni lahaa kuwii ka danbeeyay qaraxani .

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in labada hogaamiye ay isku afgarteen in argagixisada hal meel looga soo wada jeesto .

 

 

Leave a Reply