Sanadkii 2016 warbixin ay soo saareen hay’adaha ka sheqeeya maaglooyinka ugu nolosha wanaagsan iyo kuwa ugu xun dunida in caasimadda dalka Cameron ee Douala, oo ah magaalada ugu weyn dalkaasi inay tahay caasimad ugu xun dhinac nolosha oo saraysa, waxbarashada, caafimaadka iyo deegaankaba. Waxayna sheegeen in shacbiga magaalada ay noloshoodu iska adag tahay.
Caasimadda kale ee dhinaca xumaanta kaalinta labaad ka gashay ayaa ah Harare oo Simbabwi caasimad u ah, waa magaalo iyana ka mid ah Qaaradda Madow. Waxay sheegeen inay tahay Magaalo ku xun dhinac nolosha iyo wax kasta oo looga baahna caasimad iyadoo shantii sano ee u danabaysay dhibaatadaasi ku jirtay.
Caasimadda Al-Jeriya magaalada Aljers oo ah dal ku yaalla waqooyiga Africa ayaa iyaduna ah magaalo aad xun, waxayna hoos martay heerkii looga baahna caasimad ahaan iyadoo aanay xasilooni, waxbarsho, caafimaad iyo dhamaan adeegyadii muhiimka u ah kaabayaasha dhaqaale ay dhamaantood ka hooseeyaan qiyaasta 50%.
Magaalada Karchi ee dalka Pakistan ayaa iyana dhinac nolosha imtixaankaasi ku dhacday inkasta oo ay xagga waxbarashada ku gudubtay oo 66.7% , taasi oo ay kaga duwan tahay kuwa dalalka Africa oo dhamaantood dhinacyadii kala duwanaa imtixaanka ku dhacay
Magaalooyinka iyo caasimadaha dalalka dunida ee kala duwan ayaa hay’adaha UN iyo kuwa xidhani ay daraasad ka sameeyaan nolosha iyo kaabayaasha dhaqaale ee magaalooyinka dunida iyadoo laga eego heerka nolosha , waxbarashada, dhaqaalaha iwm.