Badhasaabka gobolka Florida ayaa dacwad ooge ka wareejiyey gal dacwadeedyada 21 kiis oo dil ah, ka dib markii ay dacwad oogahaasi sheegtay in aanay dalban doonin in lagu xukumo dil dadka dacwadahaa lagu soo oogay.
Badhasaabka oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah la yidhaahdo Rick Scott ayaa sheegay in gal dacwadeedyada dilka ah ee ay gacanta ku haysay Aramis Ayala uu cid kale ku wareejin doono sababta oo ah buu yidhi mawqifkeeda oo “fariin aan la aqbali karin” bulshada u diraya.
Ayala oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga kana shaqasa Orlando ayaa ku sheegtay sababta ay u diidantahay in eedaysanayaashaa dil lagu xukumaa ay tahay “qas sharci” oo ka taagan dacwadda lagu soo oogay ee ah in ay dileen haweenay askari boolisa ahayd.
Go’aankeedaasi wuxuu ka cadhaysiiyey bulshada, laakiin waxa jira dad iyada taageeray waxaana lagu qabtay xarunta gobolka ee Tallahassee isku soo bax lagu taageerayo go’aankeeda ay ku diiday in ay dacwadda dilka ah ku soo oogto eedaysaneyaasha.
Isniintii ayaa Scott wuxu yidhi “diidmada dacwad ooge Ayala ay ku diiday in ay dalbato ciqaabta dilka ah gabi ahaan ba, waa mid diraysa farrin aan la aqbali karin oo ah in aanay diyaar u ahayn in ay eegto fursadaha cadaalad lagu heli karo oo dhan”.
Ayala waa qareen ay ku doorteen gudida sharciga Florida fadhigoodii sagaalaad in ay noqoto dacwad ooge, waxaanay ku eedaysay badhasaabka in uu ku takri falayo awoodiisa isla markaana uu wiiqayo awoodda garsoorka.
Waxay xafiiska la wareegtay bishii Jeeniweri qorshuhuna wuxuu ahaa in mudada shaqadeedu ahaato afar sanadood.
Arrinta muranka dhalisay waxa weeye dood ka taagan nin lagu eedeeyey in uu askari boolis ah ku dilay Orlando.
Bishii hore markii ay Ayala sheegtay in bishii hore ay damacsanayd in eedaysanaha, Markeith Loyd, lagu xukumo dil laakiin uu badhasaabku gal dacwadeedkii ka wareejiyey.
Wuxuu ku wareejiyey dacwad ooge kale oo heer gobol ah, Brad King, kaas oo sidoo kale 21 qof oo kale oo lagu soo eedeeyey dil gal dacwadeedyadooda kala wareegay dacwadii Ayala Isniintii.
Maxkamadda Sare ayaa bishii Janerweli 2016 sheegtay in xeerka ciqaabta dilka ah ee gobolku yahay mid aan dastuurka waafaqsanayn maadaama oo garsoorayaasha uu siinayo awood ka badan ta ay leeyihiin guddi cadaaladeedka dacwadaha u fadhiistaa.
Badhasaabka Scott ayaa isku dayey in uu dib u bilaabo fulinta ciqaabta dilka bishii hore ka dib markii uu saxiixay xeer ogolaanaya in loo baahanyahay uun in gudidi cadaaladeedka badh ka mid ahi qiraan uun in qofka eedaysanaha ah lagu xukumi karo dil xataa hadii aan aqlabiyadoodu arrinkaa isku raacin.