Dowladda Maraykanka ayaa kala laabatay lacagihii deeqaha ahaa ee ay siin jirtay laanta dadwaynaha ee Qaramada Midobay islamarkana taageerada siin jirtay barnamijka qorshaha qoyska guud ahaan caalamka .
Tilaabadan ayaa hay’adani qaramada midoobey waxa ay ku luminaysaa sanadkan oo kaliya lacag dhan 32 milyan oo doolarka maraykanka ah .
Wasaaradda arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa sheegtay in sababta ay lacagta ugala laabateen ay tahay in hay’adani ay taageerto qorshaha dowlada Shiinaha ee ay dadka ku qasbto in caruurta ay iska soo xaaqaan .
Hay’ada Qaramada Midoobay ee ka shaqaysa arrimaha dadwaynaha ayaa waxa ay sheegtay in aysan taageerin aysana hormarin iska soo xaadhida caruurta islamarkana aysan jabin shuruucda Maraykanka .
Horaantii sanadkii la soo dhaafay ayuu madaxwayne Trump waxa uu dib u soo celiyay mamnuucida in dowladda Maraykanka ay wax deeq ah siiso hay’ad waliba oo caalami ah islamarkana bixisa ama ku talisa adeegyada iska soo xaadhida caruurta.