Trump oo Boodhka ka Tumaya Xidhiidhkii Masar iyo Maraykanka

0
297

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib boodhka uga jafay xidhiidh sanado qaboobaa  oo uu Mareykanku la lahaa wadanka ugu weyn dunida carabta ee Masar, kadib markii Isniintii uu si diiran Aqalka Cad ugu soo dhaweeyay madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi.

Trump ayaa u ballan qaaday Masar inuu kala shaqeynayo la dagaalanka argagixisada iyo kooxaha Islaamiyiinta ee seef la boodka ah.

Waxey aheyd booqashadii ugu horeysay oo madaxweyne ka socda Masar uu ku yimaado Mareykanka tan iyo sanadii 2009-kii, oo madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu ku casuumay Washington madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubarak, ka hor kacdoonkii xukunka looga eryay.

Dhiniciisa madaxweynaha Masar, Sissi, ayaa sheegay inuu aad uga helay halka uu Madaxweyne Trump ka taaganyahay la dagaalanka argagixisada.

Laakiin Khubarada ka faallooda arrimaha gobolka ayaa qaba inay Trump ku noqon doonto caqabad adag oo dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda ah sidii madaxweynihii isaga ka horeeyay, dheeli tirka xidhiidhka Masar iyo Mareykanka.

Obama waligii Aqalka Cad kuma aanu  casuumin Sisi, wuxuuna ka joojiyay gargaarkii military ee uu siin jiray Qaahira, ka dib markii milatariga oo uu Sisi hogaaminayay ay afgambiyeen madaxweynihii ugu horreeyey ee Masar ee si dimuquraadi ah loo soo doortay Mohammed Morsi, kadibna Sissi xukunka u dhiibay sanad ka dib, 2014-kii.

 

Leave a Reply