Khubaro U Dhalatay Wadanka Tunisia Oo Ku Guulaystay Inay Sameeyaan Diyaarad Aad U Yar

0
284

Khubaro u dhalatay wadanka Tunisia ayaa ku guulaystay inay soo saaraan diyaarad yar, kadib markii ay in muddo ah ku hawlanaayeen inay diyaaraddaasi sameeyaan , waxaanay diyaaraddaasi  waqtigan tijaabo ku maraysaa madaar ay lee yihiin ciidamada Cirka ee wadankaasi Tunisia.

Khubaradan waxa ka caawisay samaynta diyaaradan  shirkadda ABC-FLY 22, iyada oo lagu sameeyey madaarkaasi oo ku yaala  magaalada Burj Al Ameri oo ka tirsan  gobolka Manouba, kaas oo caasimada Tunis ka xiga kaga  Koonfur Galbeed  23 Km.

Waxaana tijaabadii ugu horeysay la mariyey diyaaraddan  11 bishan april  , sida lagu sheegay warbaahinta dalkaasi Tunisia oo uu kasoo xigtay wargeyska Dawan,waana diyaaraddii 280-naad ee laga lee yahay wadanka Tunisia.

Diyaaradan ayaa qaadi karta ilaa 2 ruux ama laba qof, waxaana socon kartaa masaafo xadidan, inkasta oo khubaradani sheegeen inay doonayaan inay kordhiyaan masaafada socodka iyo dadkay qaadi karto markay tijaabada ka baxdo ee ay shaqo gasho.

Waxa sidoo kale dhanka Warshadaynta diyaaradan qayb weyn ka qaatay  shirkad  dalkaasi laga lee yahay oo xarunteedu tahay  Fouchana ee degaanka Suburbs.

 

 

Leave a Reply