Dawlada Ruushka Oo Tijaabinaysa Maraakiib Barafka Si Fudud U Mari Karaysa Qaadina Karta Gantaalo Kala Duwan

0
284

Wasaaradda difaaca ee Ruushka iyo khubaro dhanka ciidamada ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa samaynta maraakiib loogu talo galay inay maraan meelaha barafleyda ah, sidoo kalena inay xambaaraan gantaalada kala duwan ee ciidamadu ku dagaalamaan.

Maraakiibtan ayaa loo diyaarinayaa inay tijaabada kowaad maraan 19 bishan April, iyaga oo ku samayn doona tijaabadaasi goobaha Barafleyda ah ee wadankaasi Ruushka, waxa kale oo ay tijaabada ku mari doonaan tijaabo dhanka hubka ah oo ay samayn doonaan.

Maraakiibtan ayaa lagu magcaabaa Ivan Papanin , iyada oo loogu magac daray cilmi baadhihii Ruushka ahaa ee helay inta badan Arctic-ga dhulka loo yaqaano.

Waxaana maraakiibtan la rajaynayaa inay gaadhaan  culays ahaan 7000 oo tan, waxaanay dherer ahaan gaadhi doonaan 114 meter, halka  ay baladh ahaan gaadhi doonaan 18 meters , waxaanay badda hoos u geli doonaan ama barafkaba  6 meter,, hubkay qaadanaayana  wuxu noqon doonaa 18 nooc oo hubka ah, waa raaci doona 49 qof oo kala duwan oo ciidamada kamid ah , waxa kale oo  raaci kara ilaa 47 rakaab ah.

Waxa uu dul socon karaa baddana dul joogayaa markabkani muddo bil ah oo uu taagni iyo socodba ku jiri karo, isaga oo kaydsan kara shidaalkiisa .

Leave a Reply