Wasiirka Hawlaha Guud oo Abaal Mariyay Shaqaalaha Wasaaradiisa

0
443

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland,  Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa abaal marino kala gadisan guddoon siiyay toban qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaarada, kuwaas oo noqday hawl-wadeenada sanadka ugu shaqada wanaagsan.

Munaasibad loogu talogalay dhiiri-galinta shaqaalaha hawl-karnimada muujiyay ayaa lagu qabtay xarunta wasaarada hawlaha guud, waxaana ka soo qayb galay, agaasimaha guud ee wasaarada, guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda, wasiirka hawlaha Guud iyo shaqaale weynaha wasaarada.

Madaxa Shaqaalaha ee wasaarada hawlaha guud Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa ugu horrayn munaasibadaasi hadal ka jeediyay, waxaanu wasiirka ku ammaanay inuu sannadkii labaad abaal marinayo shaqaalaha sida hagar la’aanta ah u gutay shaqadooda, waxaana uu tafaasiil dheeri ah ka bixiyay sida lagu soo xulay, waxaanu yidhi “Maanta ujeedka Shirkani ama Xafladani waxa uu daaran yahay laba qodob oo kala duwan, waxaana weeye inaanu shaqaalaha intii ugu mudnayd ama aan odhan karo tartankii intii ku soo guulaysatay aanu guddoonsiino abaalmarino, qodobka labaadna waxa weeyaan waxaanu shaqaalaha u wadnaa qorshe cusub oo aanay wasaaradu hore u lahayn, kaas oo wax badan shaqaalaha ka kaabi doona.

Cabdixaafid, waxa kale oo uu intaas ku daray “cid kasta oo meel iskugu timaadaa qaarna way dhacaan qaarna way basaan, uma jeedo shaqaalaha wasaaradu way dhaceen lakiin toban qof ayaanu maanta abaal marinaynaa, kuwaas oo aanu u aragno in ay yihiin dadkii ugu shaqada wanaagsanaa wasaarada, kuwaas oo mutaystay abaal marin.”

Madaxa waaxda shaqaalaha Cabdixaafid Cawil waxa uu u mahad celiyay wasiirka wasaarada hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) isaga oo ku tilmaamay Wasiir dhiiri galiya Shaqaalaha wasaaradiisa, isla markaana og baahidooda una sameeyay lacago gunno ah oo ay iska jaraan kuwaas oo loogu adeegayo qofkii ay hayntiisu yar tahay.

Agaasimaha Guud ee wasaarada hawlaha Guud, Gadiidka iyo guryaynta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali ayaa bogaadiyay shaqaalaha wasaarada hawlaha guud oo uu ku tilmaamay shaqaale mudan oo markasta qaranka u haya shaqo wacan, waxaana uu sii bogaadiyay shaqaalaha shalay madashan lagu maamuusay, waxaanu yidhi “Maanta waxa ay ka mid tahay maalmaha aan shaqaalahayga mudnaanta badan siinayno ee aan aadka u jeclahay, waxa weeyaan maalin mudan oo qiimaheeda leh oo intii aanu u aragnay in ay wanaagsna tahay oo shaqadooda ka soo baxday aanu u mahad celino, waana runtii masuuliyaddaha iyo meelaha aan jecelahay inaanu ku raaxaysto waanan u mahad celinayaa tobanka u horeeya”.

Mukhtaar isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Runtii anaga wasaarad ahaan shaqaale waynaha wasaaradu dhamaantood waan u mahad celinayaa waxaanan u arkaa shaqaalaha in ay yihiin kuwa xaqiiqatan ugu fiican wasaaradaha dalka, waxaana ay dhamaaan ka madhan tahay aafooyinka qabyaalada, waa shaqaale is jecel oo dhamaantood isku xidhan.”

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmaake Axmed Muxumed (Geelle) ayaa isna wasiirka hawlaha guud ku bogaadiyay sida uu shaqaalihiisa uga warhayo, isla markaana uu sanad kasta ugu dhiiri galinayo shaqada ay qaranka u hayaan, waxaanu yidhi “Waa gobanimo iyo guul ay dadka dheeryihiin in shaqaalaha dawladu oo xaalado kala duwan ku shaqeeya hadana aan shaqadooda laga dareemin oo mararka qaarkood dayna aan dunida ka helin ayaan haddan marqudha aan laga dareemayn hoos u dhac iyo werer toona, waa kaas oo dad ayaa u diran geesiyaal iyo gaari ayaa waddanka u shaqeeya.”

Wasiirka wasaarada hawlaha guud, gadiidka iyo guryaynta Somaliland mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa bogaadiyay shaqaalaha hawl-karka ah ee markasta u taagan in ay bulshadooda u adeegan, waxaana uu caddeeyay in abaal marinta shaqaalahu sanadkasta socon doonto.

 

Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Si ay shaqadu dardar u yeelato, waa in qofka wax qabtay uu abaal gudkiisa  helo, si uu isna u ogaado in loo ogyahay dadaalkiisa iyo dardartiisa, waana sababta dhiiri galinta loogu sameeyay shaqaalaha u wanaagsan shaqada, Xaaji Cabdi Waraabe oo maalin meel ka hadlayay ayaa yidhi dawlad-nimadu waa dalacsiin iyo casilaad, markaas qofka wax xumeeya waa in abaalkiisa la mariyaa qofka wax wanaajinaya abaalkiisa la gudaa.”

Cali Mareexaan waxa kale oo uu intaasi ku daray “Halkan waxaanu ku bixinaynaa abaal gud ay madaxda wasaarada ee uu ugu horreeyo agaasimaha guud ee wasaaradu ay soo diyaariyeen, waxaana la abaal marinayaa toban qof oo noqday shaqaalihii sanadka ugu shaqada wacnaa, kuwa kalena waxa ay noqon doonaan shaqaale iyaguna sidii loogu tallo galay shaqadooda u gutay, wasaaraduna waxa ay iskugu jirtaa waayeel iyo dhalinyaraba taas oo shaqada wasaarada kala socod siiya.

 Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply