Xildhibaan ku Taliyey in Degdeg Wax Looga Qabto Sicir-bararka Xadhkaha Goostay Khadar M. Dhako.

0
298

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha guddi  hoosaadka arrimaha bulshada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Xasan Cawaale Caynaan, ayaa u soo jeediyay gananacsatadda dalka inay u naxariistaan dadkooda jilicsan oo ay hoos u dhigaan qiimaha maceeshada ee cirka isku  shareeray.

Xildhibaan  Xasan Cawaale oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto sicir bararka iyo sarif bararka is barkaday ee dalka ka taagan, waxaana uu u soo jeediyay shacbiga reer Somaliland in ay isticmaalaan shilinka Somaliland.

Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi; “Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo sicir bararka iyo sarif bararka dalka ka taagan oo saameeyay dadka reer Somaliland, waxaana xukuumadda u soo jeedinayaa in si dagdaga wax looga qabto sicir bararka, barigii horana doolarku waxa uu marayay oo lagu sarifayay 600,00 kun oo shilin Somaliland ah, maalin dhawayto waxa aan tagay dalka Itoobiya cidii lacagta doolarka lagu arkana waa la xidhayaa, inagu waxa aynu noqonay Maraykan, waxa kale oo aan u soo jeedinayaa dadka ganacsatada ah ee wax soo dajiya in ay dadka ka jabiyaan maceeshada oo ay hoos u dhigaan oo ay naxariistaan, waana in la isticmaalo shilinka Somaliland, ka gole ahaana waxa aanu mushaharka ku qaadanaa lacagta dalka”.

Xildhibaan Xasan Cawaale waxa uu u soo jeediyay golaha deegaanka ee Hargaysa in ay sameeyaan waddooyinka magaalada ee burburay, isla markaana ay xashiishka ka guraan gudaha magaalada, waxaana uu yidhi “Waddooyinkii magaalada Hargaysa waa jajabanyihiin, xashiish badan ayaana dhex yaala magaalada, waana in dawlada hoose ay samayso waddooyinka burburay, xashiishkana magaalada ha ka guraan.”

Xildhibaanku waxa uu naqdiyay xildhibaanno ka mida guddida Arrimaha bulshada ee golaha wakiilada, waxaana uu yidhi “Guddida arimaha bulshada qaar jilicsan way ku jiraan oo tabcaan ahi laakiin inta badani waa wada shaqaynaa oo kormeer ayaanu soo wada samaynaa, waana ka soo baxnay shaqadii aanu golaha wakiilka uga ahayn.”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply