Caalim Bulshada u Sharraxay Koox Magac Diimeed Sheegatay Kana Digay Halistooda

0
353

Burco(Dawan)- Sheekh Cismaan Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah culimada waawayn ee reer Somaliland, kuna sugan magaalada Burco ee gobolka Togdheer, ayaa  ka hadlay kooxda la baxday Assadicuuna Bilxaq oo  4-tii . bishan lagaga dhawaaqay dalka Masar isla markaana shaqsiyaad ka taageeray Somaliland ay Xukuumaddu tallaabo ka qaaday oo xabsiga dhigtay.

Sheekh Cismaan waxaa uu ka hadlay taariikhda kooxdan iyo goortii la aasaasay iyo fikirka qaldan ee ay   xambaarsan yihiin oo uu tilmaamay in aanu ahayn urur diin sax ah wada laakiin leh ujeeddooyin siyaasadeen iyo damac hoggaamineed oo ay ku doonayaan inay ugu soo gabbadaan hadafkooda shaadh diimeed  aan sax ahayn.

Waxaanu sheekhu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka telefoonka  ku siiyay wargayska Dawan isagoo ku sugan magaalada Burco Xarunta gobolka Togdheer.

“Horta kooxdani  waa koox khatar ah oo fidmo wadda oo iyaga mooyaane dadka inta kale oo dhan gaalo u arka waana kooxda loo yaqaan Tagfiirka asal ahaana waxay ka soo jeedaan dalka Masar waxaana aasaasay Ninkii la odhan Jiray Sayid Qudub fikirkooda qaalaysiinta ah iyo xagjirnimada ahna waxaa markiiba dagaal kala hor  timi dawladdii Masar ee uu xilligaa hoggaaminayay Jamaal Cabdinaasir  markii Sayid Quddub la dilayna waxay goosteen in ay aamusnaan ku shaqaystaan muddo 40 sano iyo dheeraad ah ayaanay aamusnaanta ku shaqaysanayeen oo ay fikirkooda faafinayeen iyagoo si hoose u socda waana koox cid kasta oo muslim ah gaalo u aragta haddii aanu ka mid ahayn iyaga, dadka lama tukadaan wax lama cunaan mana soo dhex galaan waxay gaalaysiiyaan culimada muslimiinta,”ayuu yidhi Sheekh Cismaan.

Sheekha oo hadalkiisa sii watay wuxuu  intaas ku daray in kooxda Takfiirku in ay laba fariiqo noqdeen oo ay kala bexeen isla markaana qaybta ugu wayn ee dhulka Soomaalida  joogtayna ay ahayd kooxda loo Yaqaano Takfiirka oo xaruntoodu ay tahay Magaalada Qardho ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland isla markaana uu hoggaamiyo nin la yidhaahdo Maxamuud Nuur Cismaan Keenadiid oo sheekooda ah kutub badan oo fikirkooda qaldan lagu faafinayona qoray, qoladan labaad ee hadda magaca cusub la  baxay ee isugu yeedhay Assaadicuun Bil-xaqna Takfiirka ayay ka go,een waana koox fikirkooda kala siman oo cid kasta oo aan muslim ahayn gaalo u yaqaana  xilliganna isu arkay in fikirkoodu meelo badan ku faafay oo is biday in ay awood ay isku muujiyaan in ay leeyihiin waxaana innagaga filan  aragtidooda qaldan in aynu wax ka ogaano qaladaadka tirade badan ee ku jira kutubta uu qoray ninkii aasaasay ee Sayid Quddub kuwaasoo ay ka mid yihiin Dalaalul-Qur’aan iyo Hada Huwa Diin. Iyo kutub kale oo badan oo uu ku faafinayay fikirkaa uu aabbaha u ahaa ee qariban. Markaa horta kooxda fikirkeedu waa taas waana jid qaldan iyo koox qaldan iyo aragti xambaarsan baadil aan diin anayn oo diinta ummada lagaga fasahaadinayo waana koox suaysa oo keliya in ay awood u helaan in ay dadka madaxa ka guraan jaaniskaas oo ay 40  sano iyo dheeraad sugayeen iyagoo dhanka dhaqaalahana is biday in ay xilligan hantiileyaal badan leeyihiin oo caalamka ku kala faafsan waana sababta ay hadda isu muujiyeen.”

Sheekha oo ka hadlayay sida aanay u bannaanayn in ummadda Islaamka ah kooxo kooxo look ala qaybiyo oo Diinta suubban ee Islaamka looga dhigo garabbo iyo kooxo diimeedyo is khilaafsan oo iska soo hor jeeda,ayaa yidhi. “Horta Diinteenna suubban ee Islaamku waa mid qudha taasoo ah Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnaha Nebiga(scw) dariiqa aynu raacaynaana waa dariiqii Rasuulkeennu(scw) uu inoo keenay mana jiro mid aan kaa ahayn  oo Islaamnimo lagu sheegi karaa cid kasta oo umadda Islaamka kooxo kooxo  u qaybisa oo mabda u gaar ah iyo fikir ay iyagu leeyihiin Islaamnimo ku sheegaana way qaldan yihiin kuwanina waabay ka sii xag jiraan oo cid kasta oo iyaga aan ahayn way gaalaysiinayaan oo culimadii Islaamka ayay gaalo ku sheegayaan oo guud ahaan umadda Muslimiinta ah oo dhan iyaga xagooga gaalo ayay u haystaan markaa waa koox sharwadayaal ah,mana bannaana in Islaamka kooxo kooxo loo qaybiyo oo cid fikir gaar u ah sidataaba in ay islaamnimo umadda ugu soo dhuumato.”

Sheekha oo  farriin u diray Xukuumadda,ayaa yidhi. “Xukuumadda waxaan leeyahay sidaa aad umadda uga qabateen uga haya oo  haku soo daynina sharwadaashan  cid kasta oo iyaga ka mid ah ama fikirkooda la wadaagta oo dalka lagu arkana waxaan dawladda ku dhiiri galinayaa in ay dadka ka dhex qabtaan oo ay umada ay masuulka ka tahay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo duusha diintooda Islaamka ee suubban una soo xidhata shaadh diimeed, waxa ugu way nee aynu ilaashanaynaa waa diinta diintana dawladda ayaan leeyahay ummadda u ilaaliya. Bulshdana waxaan leeyahay waa la idinku soo duulay oo in dhallinyarada iyo caruurta fikiro qaldan laga dhaadhiciyo oo la marin habaabiyo ayaa la doonayaa oo nin walba lagu soo jiheeyo inankiisa oo aabbihii u arka in uu gaal yahay oo kii diinta Islaamka ku dhalay eek u barbaariyay loogu sheego in uu gaal yahay oo uu ku jihaadayo e ka war haya ubadkiina diintiina saxa ah ee suubban ee ah Kitaabka ALLE iyo Sunnaha Rasuulkeenna (scw) suubbanna yaan la idinka qaldin ee ku adkaada oo ku mitida ”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply